Posted on August 10, 2008 by jilyaale
Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa Maanta caasimadda dalka Masar ee Qaahira oo saldhig u ah Jamacadda Carabta ka sheegay in aysan suurta gal ahayn in ciidamo ka socda dalalka Carabta iyo calamka loo diro Soomaaliya haddii aysan dhicin iswaafaq dhex mara garabyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Jaamacadda carabta ayaa Bayaan ay soo saartay ku [...]
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »
Posted on August 10, 2008 by jilyaale
Dowladda Ethiopia ayaa soo faragelisay Khilaafkii mudada soo jiray ee u dhaxeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo RW. Nuur Cade.
Sida ay xaqiijiyee ilo wareedyo kudhaw Dowladda KMG ah, waxaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho labo Sarkaal oo Ethiopian ah kuwaasi oo katirsan Hoggaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya.
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »
Posted on August 10, 2008 by jilyaale
Xilli mudanayaasha Baarlamaanka KMG ah wali ay horyaalaan Mooshin la xiriira arrimaha Bartoolka ayaa hadana mudooyinkan waxaa jirin kulamo uu yeelanayaan xubnaha Baarlamaanka, marka laga reebo kulamo gooni gooni ah oo ay isugu imaanayaan qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka.
Maadaama aysan Saxaafaddu ka qeyb galin kulamadaasi gooni gooniga ah ayaan la xaqiijin karin waxyaabaha ay ku [...]
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »
Posted on August 10, 2008 by jilyaale
Qarax xooogan ayaa Maanta lagula beegsaday cutubyo ka tirsan ciidamada Uganda oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, deegaanka KM-4 ee magaalada Muqdisho. Ciidamada AMISOM ee la weeraray ayaa rasaas fara badan ooda ka qaaday ka dib markii qaraxa la maqlay.
Goobta uu ka dhacay qaraxan ayaa waxaa soo gaaray ciidamo fara badan oo isugu jira [...]
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »
Posted on August 10, 2008 by jilyaale
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la sheegay inuu difaacay Siyaasadda Dowladdiisa ee ku aadan Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo Madaxweynaha iyo Jeneraalka Booliska Dowladda Cabdi Qeybdiid ay ka aaminsan yihiin inaan wax Maamul ah ka jirin isla markaana ay rumeysan yihiin in degaano ka tirsan Gobolkaas ay ku dhuumaalaysanayaan [...]
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »
Posted on August 10, 2008 by jilyaale
Ciidamada Mujaahidiinta MMIS ayaa la sheegay in xalay Magaalada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe ay ku qab-qabteen in ka badan 10 qof, ka dib markii ay Jabiyeen Bandow lagu soo rogay magaaladaasi.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegay in MMIS ay Bandow ka bilaabanaya 07:00 fiidnimo ilaa salaada subax ay ku soo rogeen xalay Magaalada Mahadaay ee [...]
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »
Posted on August 10, 2008 by jilyaale
C/laahi Yuusuf oo ah Wakiilka dowladda KMG ah ee Jaamacadda Carabta ayaa shaaca ka qaaday in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay marti galinayso goordhaw kulan ay isugu imaanayaan garabka Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee Djibouti iyo Dowladda KMG ah si buu yiri la iskula meel dhigo loona saxiixo fulinta qodobadii lagu heshiiyay.
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »
Posted on August 10, 2008 by jilyaale
Tiro madaafiic ah ayaa galabta saacadda marki ay aheyd 17:55 galabnimo Xiliga Muqdisho waxaa lagu weeraray Xaruntii hore ee Ciidamada Asluubta oo fariisin u ah Ciidamada Gumaysiga Ethiopia iyo kuwa dhawaan lagu soo tababaray dalka Ethiopia, isla markaana Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »
Posted on August 10, 2008 by jilyaale
Wafdiga Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya oo ka kooban 7 xubnood oo uu hogaaminayay Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maalmahaan booqasho ku joogay dalka Masar, booqashada wafdiga Isbahaysiga ayaa aheyd marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen dowlada Masar.
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »
Posted on August 10, 2008 by jilyaale
Gudoomiyaha Isbihaysiga dib u Xoraynta Somaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, iyo Dr. C/Qaasim Salaad Xasan, ayaa kulamo ay soo qaban qaabisay dawlada Masar ku yeelan doona maalmaha soo socda magaalada Qahira.
Dr. C/Qaasim ayaa si ba’an uga soo hor jeeda garabka ku sugan Asmara ee uu hogaanka u hayo Sheikh Xasan Dahir Awey, wuxuuna ugu baaqay [...]
Filed under: Buurfuule | Leave a Comment »