
Monthly Archives: December 2008
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Madoobe oo Shaaca ka qaaday inuu Baarlamaanka kulmi doono.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in todobaadka soo socda uu Baarlamaanka kulankiisa u horeeya ka yeelan doono khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha. Continue reading
Gudoomiyaha Isbaheysiga Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo xubno uu hogaaminayo oo ka soo degay magaalada Muqdisho.
Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xubno uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd ka soo degay garoonka diyaaradaha Cisaleey ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Dadweyne fara badan oo isugu soo baxay ayaa ka qeyb qaadanaya soo dhoweynta Sheikh Shariif iyo xubnaha uu hogaaminayo, iyadoo halkaasi ay sidoo kale ku sugan yihiin mas’uuliyiin kala duwan. Continue reading
Xafiiska QM. oo shaaca ka qaaday in uu berri magaalada Nairobi ka furmi doono shir calami ah oo looga hadlayo burcad badeedda Soomaaliya.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee ku leeyahay ayaa shaaca ka qaaday in berri uu ka furmi doono Kulan labo maalmood soconaya oo looga hadlayo burcad badeedda Soomaaliya uu ka dhacayo maalinta arbacda ah magalada Nairobi ee dalka Kenya. Continue reading
Dagaal xoogan oo ka soconaya inta u dhaxeysa degmooyinka Wanla-weyn iyo Leego ee gobolka Sh/Hoose.
Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo tan iyo saakay dhaq-dhaqaaqyo ka sameynayey deegaanada u dhaxeeya degmooyinka Wanla-weyn iyo Leego ee gobolka Sh/Hoose, ayaa waxaa halkaasi waxaa ka soconaya dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeya ciidamada gumeysiga iyo xoogagga Muqaawamada Soomaaliyeed. Continue reading
Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo dib ugu soo laabtay fariisinkii hore ay uga guureen ee gudaha degmada Yaaqshiid.
Shacabka Soomaaliyeed iyadoo ay hadal hayeen ka bixitaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia ee dalka Soomaaliya, ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada gumeysiga Etiopia waxay maanta dib ugu soo laabteen fariisinkii ay horey uga guureen ee gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo arrintan ay walaac fara badan ka muujinayeen dadweynaha ku dhaqan xaafadahaasi. Continue reading
Ciidamada gumeysiga Ethiopia oo dhaq dhaqaaqyo military ka bilaabay deegaanka Kalabeyr ee waqooyiga magaalada Baladweyne.
Cutubyo ka tirsan ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa Maanta soo gaaray qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan, isla markaana fariisin ka sameystay deegaanka Kala-beyr ee waqooyiga magaalada Baladweyne, isla markaana waxaa laga dareemay xoogagga Muqaawamada ee ku sugan magaalada Baladweyne in ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay uga hortagayaan ciidamada gumeysiga Ethiopia. Continue reading
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay Bayaankii ay dhawaan soo saareen Culimada Musaalaxada iyo Sixida???.
Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Djibouti Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay u waramay Idaacada Hornafrik ee Magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Bayaankii ay dhawaan soo saareen Culimada Musaalaxada iyo Sixida ee ku saabsanaa in Heshiiska Djibouti uusan waafaqsanayn Shareecada islaamka. Continue reading
Xoogaga Muqaawamada oo Saakay la wareegay gacan ku haynta Magaalada Balad-Xaawo ee G/Gedo.
War subaxnimadii hore naga soo gaaray Magaalada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo oo Xad lala leh dalka Kenya in Xoogaga Islaamiyiinta ay la wareegay Gacan ku haynta Magaaladaas, iyadoo ay maalmahanba halkaasi ka socdaan Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo uu wado Barre Hiiraale. Continue reading
Sheikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Ethiopia ay qorshaynayso, sidii ay Bulshada Soomaaliyeed u kala qeybin lahayd.
Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoreynta Garabka Asmara, Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa shaaca ka qaaday in ay Xukuumada Itoobiya qorshaynayso sidii ay Bulshada Soomaaliyeed u Qeybin lahayd Qabiil Qabiil, islamarkaana ay uga fushan lahayd danaha ay doonayso. Continue reading