Sarkaal ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo lagu magaaabi jiray Salaad Xareed ayaa goor dhaweyd waxaa lagu dilay magaalada Baladwyene ee xarunta gobolka Hiiraan.
Masuuuliyadda dilkaasi ayaa waxaa sheegatay xarakada Al-Shabaab ee gacanta ku haysa magaalada Baladweyne.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalkan uu ku sugnaa guri ku yaala gudaha magaalada Baladweyne, isla markaana ku eedeeyay in uu ahaa Jaajuus u adeegayay dowladda KMG Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.
Sarkaalkan waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya una joogay magaalada Baladweyne sidii uu ugu jaajuusi lahaa ciidamada Dowladda ee gobolka ku sugan xaaaladda degmada iyo awoodda ciidan ee ay leedahay xarrakada Al-Shabaab, sidaa waxaa cadeeyay sarkaal katirsan xarakada Al-Shabaab.
Sarkaalkan ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya oo lagu magaaabi jiray Salaad Xareed ayaa waxaa dilay ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab.
Sarkaalkan la dilay ayaa wuxuu ahaa afhayeenkii ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan, kaasoo ay mas’uuliyiinta Maamulka Xarrakadu ay sheegeen inuu afar habeen ku sugnaa Degmada Baladweyne.
Dilka sarkaalkan ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ay sheegeen maalmihii lasoo dhaafay in ay wadaan qorshayaal dagaal oo ay kula wareegayaan gobolka Hiiraan oo ay gacanta ku hayso maamulkeeda xarkada Al-Shabaab.