Halkaan ka akhri
Riix Halkaan Gabay Gumeysi Diid Halkaan ka Dhageyso
Gobaygan waxaa tiriyey Abwaan Amiin Shiikh Maxamed
Geeraar marabin iyo inaan gabay abuuraaye
Balse ruuxi aan geeriyoon ee wax garanaaya
Goor waliba waa inuu dhacdada hadal ka geystaaye
Nin walbana gaaraadkiisabuu hadalki gaaraaye
Gumeysiga dalkeenii galiyo tacadiguu geystay
Iyo maanta waxa nala gudboon aan ga’ ka iraahdo.
Haddii aan gadaal fiiriyoon soo gadiyay baalal
Guud ahaanna aan soojirkii garashadey baaray
Ma gudboona maandeeq inaan geyno suuqyada oo
Gorgoriyo hishiis laga galoon gaal u marinaaye.
Ma wax garadki baa go’ay kuwii talada goynaayay
ma garaadkabaa naaqusoo gaabis ka ahaaday
Mise giniga maantaa ayaa loo gadiyi uunka
Mise kuwii gumeysigi kacshaa ciidda galay hoose
Oon geesiyaal dirira iyo gooye talo reebin
Amaan dhalin indheer garad ka diga waxa gadaaleeya
Iyo culumo guulle u sharxoo galiyay laabtooda
Garashada kitaabkiisa iyo gaala niciddeeda
Mise talaba lama galininoo waa la garab qaaday?
Soo gaala eebahey ma oran gebi ahaantooda
Guushoodu waa wixii dhibaato idin gaarsiiya
Afkoodaad ka garan waxey qabaan guulle suu yiriye
Waxey gunudday laabtuna kadaran taad ka garateene
Ma in xabashi geyshkeedu galo goobo barakeysan
Oo guulle lagu caabudoo gaar dadkeenna u ah
Oo ey wanaag gaarsiyaan guul iyo ammaano
Hubka naga guraan noo dhisaan dowlad lagu gaaro
Wanaageynu goobeyney een gaabis ka ahaanay
Soo gabagabeeyaan dhibkaan gaaray shacabkeenna
Guul noo horseedaan xornimo eynan wali gaarin
Gaajadana naga saarayaan gobolka naafeysay
Nagaarsiinayaan horumarkuu gaabis ka ahaaday
Guud ahaan dadyowga afrikaad ee la wada goobi?
Ayaa gabal dadkeennaa qabaan waa garaad xumiye.
Ninkii garasho dheer lihi ma dayo goorta uu mariye
Gadaal waxa jiruu fiiriyaa goor iyo ayaane
Ciidda inuu asagu hoos galee horumar gaarsiiyo
Gayigiisa baa kala gudboon gini la siiyaaye.
Afartaa ninkii garan lahaa waa horuu go’ay dheh
Gablan aan ka tagin buu ahaa ruuxgaraad badan dheh
Gurey iyo raggii soo halgamay oo gef loo diray dheh
Somali kala googo’diyo gobolladeedii dheh
Gaal soo dhawey gacalna riix garashadeedii dheh
Gumeysigi inuu aarsan rabo gogol dhiggeedii dheh
Hadii aan su’aal soo gudbiyeen hadalka soo gaabsho
Goormaan heshiis wada gallnoo xabashi aan gaaray
Gurmad samafal iney noo fidshaan gacanti saaxiibka
Ee lasoo gunaanaday dhibkii waa na kala gaaray?
Galbeedkii eey heysteen miyaa gaari kari waayay
Markaasbey dhulkale goobi waa gaala damaceede?
Ima aadan goydeen haddii aanu gabalkeeygu
Gadaal kaaga daabneyn markuu geedku oranaayey
Birtii lagu garaafeeyay ee lagu garaacaayay
Gadduu marahayaan saaka nahay gabi ahaanteene.
Kan gumeysi gacan siinayow waadan garaneyne
Garaadkaaga baa gaabanoon gaarin taa waliye
Goor aan wax gacan kuugu jirin garabna aad beeshay
Ood geesiyaashaadi guud goyday madaxoodi
Gardaduub intuu kuu xiroo geedna kugu taago
Gadaal iyo asaga oon dayeyn ruux ka aar gudaya
Ayuu madaxa kaa goyn adaa gabay naftaadiiye
Afartaas garaad xumadayada gogol dhiggeedii dheh
Guri gubanayee kii lahaa gaas u dey-deyi dheh
Gargaar iyo ninkuu tala bidee gacalka moodaayay
Ee gado haraagii ku yiri garashadiisii dheh.
Gaal kii u liitiyo amxaar baa na garabsiini
Gargaar noo fidaa kii lehow waa garaad xumiye
Adi kuu garbeyn maayo ee howl kaluu gudane
Inta goori goortahay haddii aadan garan dowga
Markuu geedka kugu soo xiree xarigga kuu gaabsho
Gurmad kuu yimaadiyo markaad gacan walaal weydo
Oo gowrac suge aad tahaad garan warkeygaase.
Gurigiisi ruux gubahayoo gaas la daba taagan
Ee gacal wixii uu lahaa geed ku wada taagay
Hadduu gacanta taagtoo cabaad dunida gaarsiiyo
Gurmad iyo gargaar uu codsadoo lagala soo gaaro
Geellow miyuu filan karaa waa ged yaab badane?
Haddii goosan ari uu dhurwaa gaaja ba’an heyso
Godkiisii ku soo booqdo oo gacala weydiisto
Gargaar uu u fidiyaa haddey maangal noqoneyso
Gurmad xabashi inaan dhowrannaa waa ged noo furane
Gumeysigu caddaan iyo madow galabta waa jeele
Waxa garabyo badan aan u nahay waa i gali weysay
Walaalkiis nin gowrac u raboo cadow gargaarsaaya
Guushiyo wanaagguu ka heli waa i gali weysay
Gurigiisi kii duminayee gadaya ciiddiisi
Cidda uu gabbaad siin ka rabo waa I gali weysay
Hashiisii nin gowracahayoo gaawa culanaaya
Oo caano googoobayaa waa i gali weysay
Inuu gaal xarbiya guri islaam joogo gudihiisa
Oo aan jihaad lala galeyn waa i galiweysay
Gabdhaheenni gaaladii kufsiga ugu garaardeysay
Oo aan wax dhiillaahi galin waa i gali weysay
Iyadoo gumeysigi ku fidi gobolladeennoo dhan
In guruubba eedeyn guruub waa i gali weysay
Gacmo wada jirbey saan ognahay xarig ku gooyaane
Guruubeysi lagu gaarimaa guul wanaagbadane
Masiibadan ka gees iyo ka gees gaartay qarankeenna
Guryaheenna oon duminno iyo gowraciyo leyntu
Gobol-gobol in loo kala go’aa waa gadduu rabaye
Intaan liifadda u gaabinoon xumaha geed saaro
Gumeysigani nama kala jeclee gees aan ka ahaano.
Riix Halkaan Gabay Gumeysi Diid Halkaan ka Dhageyso
Abwaan: Amiin Shiikh Maxamed
Email: amiin43@hotmail.com
Yusuf Garabey
![]()
Halkaan ka akhri
Go’aan Qaran.
Gabaygaan la magacbaxay Go’aan qaran waxaa ciriyay Inj. Maxamed Cali Cibaar, wuxuuna soo baxay 1dii May 2007. Gabaygu wuxuu jawaab u yahay gabaygii uu curiyay suugaanyahanka Maxamed Xirsi Guuleed ( Abdibashir) oo magaciisu ahaa Gobonnimo dagaallama isdhiib waa gunnimo weyne, gabaygaas oo si qotodheer uga hadlayay gumaadka iyo gardarrada lagu hayo shacabka aan waxba galabsan ee magaalada Muqdisho oo ay xasuuq u geysteen cadowyo isku soo bahaystay oo kala ujeeddo ahi.
Waa kan gabaygii Go’aan qaran ee akhris wanaagsan
Gar Ilaahey waa loo islaam gaal kol ay tahaye
Gaabaygaad Maxamadow dirteed dunida gaarsiisay
Ilaahey gargaaryow runtaad gole ku faalleysay
Guubaabadaadiyo xaqaad garabka siineysay
Geesi waa ku diirsaday dullina waa gamuun helaye.
Guryaha dumay gumaadkaa dhiciyo qaxiyo guurguurka
Raqda Xamar dharaarahan goglane goob walbaba daadsan
Muslinkaa gamaaraaya ee gaaska lagu buufin
Wax ma galabsatiyo waxa miskiin qoorta la guduudin
Saqiirrada la wada gowracee haaddu guraneyso.
Culimada la garbaduubayee cadowga loo geeyo
Walaalow haddey gogosha iyo gama’i kuu diidday
Haddii aad galiilyootayood la gadgaddoomeyso
Qaar baa garaaddaba ku hela ehel gummaadkiise
Qaar baa hooyooyinka gablami ganacsigood yahaye.
Qaar baa garaacaaya sacab oo gurbaan tumiye
Gunnimadii haddey faan tahoo saaka laba goobi
Gorgoriyo haddey joogto maal oo la goyn waayay
Waa gaddoon adduunyaad anigu saan garwaaqsadaye
Allahayow na guulee waqtigu waa is gurayaaye.
Gumeysiga na soo weeraree gulufka soo kiciyay
Waligoodba way gaadayeen goor an dagannaaye
Galdaloolladeenney Kufaar goobayeen abide
Gurey iyo Daraawiishtii iyo ciidan laga goojin
Gaar baa intaa laga hayoo wey gabbanayeene.
Guuldarrooyinkoogii shalay gocanayaan weliye
Goolashaan dorraad dhalinnay bey guda is leeyiine
Gaashaanbuur dulmiga loo dhisay garabsanaayaane
Inaan adiga ku gargaarsanney nagu galaayaane
Allahayow na guulee waqtigu waa is gurayaaye.
Inkastoo aan gaabinnay beryahan oon gadaabownay
Inkastoo midnimo laga gudbuu gobolba meel aaday
Inkastoo uu garwadeenba yahay jaahil lagu guuro
Inkastoo gudimahaan na jaray geedkeen lagu daabay
Oo wadajir wuxuu gooyo aan maanta garanweynay.
Markii uu garruun nagu dhacoo dakhar na soo gaaray
Ubad bilo an gaareyn markii gaajo loo laayay
Oo gisida oo kale maalinba qaarkeen laga giigay
Inta kalana isha galac ka siin oy wax geli weyday
In dugaaggu hilibkeen gurtaa wow garleeyahaye.
Gefkii dhacay waxbaa laga bartiyo gama’asanaantiiye
Kala guurkii waan eednayoo nacab na googgooye
Inaan gaari wada saarannahay garay kan miirraniye
Naxariista gaanka adey Weynow kaa gurine
Allahayow na guulee waqtigu waa is gurayaaye.
Soomaali Gabigeedu waa gacal walaalo ahe
Waa ummad Ilaah uu galladoo galiyay Iimaane
Waa ummad gumeysiga neceboon gunnimo yeeleyne
Gacankii Tajoorriyo Cartiyo Awdal godankeeda
Gabiley Hargeysiyo Burciyo buurta Shiikh gurada.
Gidaarrada Taleex iyo dhulkey geenyadu ku foofto
Ceerigaabo geeska Raascaseyr gegida Boosaaso
Herertaa galbeed iyo Godey taniyo Gaashaamo
Garoowiyo Nugaal Gaalkacyiyo Galdogobtaa hoose
Galgaduud ka gees iyo ka gees meel kastoo aad gaarto.
Dhulkuu wabigu kala gooyo iyo Gobolka Hiiraan ah
Jowhar iyo Garsaaliyo Cadale Balcad gadaasheeda
Banaadiroo khalqigu uu gimgimay gooshitaankiisa
Golweyn iyo Afgooyiyo Markada nimcadu gowriirto
Guudka Buur gudaha Baydhabiyo gurisankii Waajid.
Gosha Jilib geesaha Saakow iyo geriga hoygiisa
Garbahaarrey Baardheere iyo Gedo dhammaantiisa
Goobtii Kismaanyiyo illaa taniyo Buur-gaabo
Gaarisa Wajeer iyo illaa Kiinya laga gaaro
Gurigaad tagtaba waa rug ay gogoli kuu taalle.
Gucle horumar annagoo wadnoo gaawahow culannay
Isgarabsi ha joogtee annagoon xume cid gaarsiinnin
Gardarrada Tigruhu wado waxaa garabka loo siiyay
Oo shacabka loo gumaadiyoo loo gataalleeyay
Googaaleysan maynee dhabtii weysla garannaaye.
Gaangis noo heshiiyoo raxmadi ay ka wada guurtay
Dhaaxey gabgable khaa’iniyo noo shireen gumiye
Dhaaxey guddiyo beena oo gallan abuureene
Dhaaxey u goodgooddiyeen carab gariirtooye
Dhaxey Afrika gaabsatoy afka gufeeyeene.
Dhaaxey golaha baadilka ah qodobbo geeyeene
Dhaaxey gorfeeyeen shirqool geerideenna ahe
Dhaaxey go’aan nagu khaldeen ay na geliyeene
Dhaaxey giniyo qaybiyeen laysku gadayaaye
Dhaaxey mid gambo caabudiyo gaabis koriyeene.
Dhaaxey mid sida Yey gabgabi soo xuleen gorofe
Dhaaxey mid iimaan guriyo Geeddi keeneene
Dhaaxey midkeennii wax gala gabawareen nacabe
Dhaaxey gubeen maatiyoy gaabiyeen shacabe
Dhaaxey geddii ay rabeen naga gujeysteene.
Gabagabadii waan aragnayoo waa gumaad taloye
Waa geyiga qofba yuu ku harin gebi ahaantiise
Ama gaalnimada qaata oo Guulle caasiyaye
Mar haddii Gabriyo Tafase iyo Garaci qooqaayo
Mar haddii gabdhihii sharafta laa tacaddi loo geystay.
Taariikhdu waa kala gaddoon gelinkaan saaka ahe
Fulay gaabshay Dayuus guuna iyo doqon gafuur weyn leh
Afmiishaar galley lagu masliyo caqli gaweetoole
Gun midoo damiirkuba gab yahay gafane yeelkoode
War yaa goboo xumaan ka gilgishey galabta joogtaaye.
Waa gadoode gurmadoo ka kacey galabta joogtaaye
Gumeysiga ha yeelina ayay galabta joogtaaye
Dhaxalkeenna yaan la gambin bey galabta joogtaaye
Garbo siman dagaallama ayay galabta joogtaaye
Inaan diinta u gargaarno yay galabta joogtaaye.
Gabooyaha inaan qaadanney galabta joogtaaye
Gaalleef in lala soo baxey galabta joogtaaye
Geyigeenna inaan daafacney galabta joogtaaye
Gala gala dhufeysyada galey galabta joogtaaye
Guba guba Woyaanaha gubey galabta joogtaaye.
Gabgab baa adduun lagu rogiyo gebi ka duul baase
Kuwa maanta na guulguulayow reer garaadlaawe
Abaal waxaan dadkiinna u galnoon gudid ka dhowraynay
Haddaad goortaan baad naga rabtaan gibir inaan bixinno
Waa garashadiinniyo hunguri aad ku go’eysaane.
Gam haddaan dhaheynoo dhamaan geeri mudaneyno
Gargaarkii ilaah iyo annagoo guulo filaneyna
Oo diinta gaashaan ka dhigan gowsna ku adkeysan
Gayigeenna inaan daafacnaa waa go’aan qarane
Gardarrada inaad eedeysaan waa go’aan qarane.
Mar haddaad giriifteen warhoy gaabsadoo jooga
Gamaskaad fahmeysaan wixii uu gantaal qoraye
Godobteennii Gondhor iyo Addis waa ta gudo taalle
Gambellaa illaa tagnoon Wallo u sii gudubno
Illaa Maqalle aan ku gaardinnoo kibirku uu gaabto.
Garsoorkiyo caddaaladda illaa qaarkiin la hor geeyo
Daallimiinta illaa aan gurbinnoon weyno gabigoodba
Geeska afrikoo idil illaa nuurku wada gaaro
Gu’ barwaaqo illaa uu curtoo galalka noo buuxsha
Geeddiga xornimo inaan wadnaa waa go’aan qarane.
Gaangiistarkaa Melles ahow gurracanow heedhe
Si kastoon gargaar sharaf leh iyo gacanba kuu siinnay
Si kastoon geeraarrada taliyo kuu gudbinnay waano
Gawaan aan ku daalnaad tahoo aan wanaag geline
Waxaad tahay Goroyo waalatoo gabbal u sii dumaye.
Gudcur baad gudeysaa dhul uu good ku ladayaaye
Gucumaale aar oo hurdaad ganbar u mooddaaye
Ganaaxa iyo adigaa dalbaday dhiigga gobo’leyne
Gacmahaada adigaa ku qodan iilkaad gali leyde
Galbataye maxaan kuu galnaa weys gunaanadiye?.
Kuu gooddin meynee runtaa lagu guddoonsiinne
Guureysayaa ama aroor hore u guurtaaba
Sii gurguurataa ama sidii leeb u gamantaaba
Gelinkaan tagtaa iyo beryahan sii galgalataaba
Goror heensataa iyo bukaan go’a ka boobtaaba.
Masaajidyo gubtaa ama waayeel kibir garaacdaaba
Dugsi guratayaa ama kitaab galal ka jeexdaaba
Waxaad geysatoo idil haddaan kaa gudeynaaye
Adaa gumuc rasaaseed u qabay garow la ruugaaye
Galbataye maxaan kuu galnaa weys gunaanadiye?.
Garabdaar dhabaan heloo jab waa kula gudboonaanne
Gabanney ahaayeen kuwaad ka gabbaneyseene
Gurdankii fardaha iyo haddaan gaasas soo kicinne
Guutooyinkii danab markaan goobta hore keenno
Waxa aan gadaal maagannahay yaadan garaneyne.
Gargar kugu habyaa ama Sheydaan godol ka nuugtaaba
Jinni magan gashaa ama Ibleys gunno ku siiyaaba
Ku gunuunucdaa janan amase gebigood laysaaba
Garbaash inaan arlada kaa bixin ilmada oo gabax leh
Ood garka na qaban waa hubaal goor dhow dabadeede
Gagso gagso adaa gool yaxaas galay afkiisiiye
Gagso gagso adaa gondaha daray godadkii naareede.
Dhamaad
Inj. Maxamed Cali Cibaar

Halkaan ka akhri
Mididin gaalo (Gabay)
Tiriye: Maxamed Xirsi Guuleed
Gabaygan waxaa Tiriyey Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir) 2007-05-09. Wuxu ku socdaa Ra´iisal wasaaraha DKM ( =Dawladda ku meelgaarka Xabashida) Cali Maxamed Geeddi (Mididin gaalo) .
Waa warbixin ku saabsan xaaladda dalka iyo kaalinta uu ku leeyahay Ninkaasi. Mar waa tumaati abwaan, marna waa waanin iyo wacdi.
Ciddii ay xidhiidh leeyihiin ha iga gaadhsiiso waa farriine.
Ereyo jilcin: Mood = waa maalka sida lacagta iyo alaabooyinka kala duwan.
Araq = waa hurdada oo qofka ka guurta ama ku soo dhici weyda.
Dalaal = baadi, xaqa ka lumid.
Wuxu yidhi:
1-Cali Maxamed Geedow Inaad mididin gaalaad tay
2-Oon magac bulshada kuu dhex ool lagugu maamuuso
3-Waa marag ma doontiyo war aan muran u baahnayne
4-Ninka soo miciinsaday axmaar mug iyo xooggiile
5-Ee moodhikaarriyo dalbaday miigag iyo kaare
6-Ee shacab masaakiin ahaa malag dulgawdiidshay
7-Ee yidhi madaafiic la dhaca ha i muddeeceene
8-Mashaqada dhextaal xamar waxaa maydku tira beelay
9-Ka masuulka laga saarayaa maandhow waa adiye
10-Maryaa dumarka laga siibayee muhasho loo qaawin
11-Ee diinta lagu maagganyahay mahadho weeyaane
12-Ninka masuulka laga saarayaa maandhow waa adiye
13-Masjid Xabashi guri looga dhigay, muusig lagu dheelo
14-Oo laga manciyey sheekh addima milay salaadeedka
15-Ka masuulka laga saaraayaa maandhow waa adiye
16-Mooryaantan qalabaysanee maxasta boobaysa
17-Een meherad iyo dhaafahayn guriga mood yaallo
18-Ka masuulka laga saarayaa maandhow waa adiye
19-Dalku muqaddasaad iyo hadduu goobo mudan leeyey
20-Madaxtooyadiisii ayuu cadow mushaaxaaye
21-Ka masuulka laga saarayaa maandhow waa adiye
22-Muslin buu shacbigu sii ahaan maalla way dhaqane
23-Adna maalmo weeyaan waxaad madax ahaataaye
24-Inuu murugo joogta ah ilaah kugu musiibeeyo
25-Ood meehannow iyo walaac meelba degi waydo
26-Hurdadaa macaanlehe inaad araq madoobaato
27-Maatidaad xasuuqdeen inay jiifka kugu maagto
28-Yaa ii miciinaay inaad maalmo badan hayso
29-oo marag laguu wada noqdaan maanshe sugaynaaye
30-Cabdillaahibaa kaa yar mudan, kaana magac roone
31-Mujrin haba ahaadee isaga waa la maah garane
32-Adigana mataalkaagu waa ey la maamulo´e
33-Waxa kugu maxaafsada Tikree tiisa meel marine
34-Muruq reer galbeed iyo haddaad maalka Yururb eedday
35-Malles iyo haddii aad Farayz nebiyo moodayso
36-Ninkii meelo dhaadheer koraa, maandhow soo noqone
37-Mingistiyo Siyaad baad ogayd marinkay qaadeene
38-Waatuu Mabuutana bakhtiyey maalmo dabadeede
39-Adiguna inaad mudan halkaa muran la´ weeyaane
40-Mawdkaaga lama gaabin karo mawle kuu qoraye
41-Malaggii namruud dilay hadduu kaaga malaq siiyo
42-Ama ay muqaawamo adoo mooggan ku haleesho
43-Ama uu miskiin ciil qabaa miino kula eegto
44-Tii lagula maagaba islaam mahadin dooneeye
45-Maydkaaga waxa raaci waa macatablaa gaale
46-Muslin inuu salaad kugu tukado malahay kaa dheere
47-Waxba maaxda gabay yaan sidii mool u sii geline
48-Midho iga gunaanada haddaan, miimka ka higgaasho
49-Cali Maxamed Geedow Inaad mididin gaalaad tay
50-Inaad marin habow iyo dalaal maamulka u hayso
51-Adiguna ma moogganid dadkuna kuma mannaagaane
52-Maxsharkiyo qiyaamuhuna waa mawcid kuu dhimane
53-Muddug adiga oo qaawan baad maandhow soo bixiye
54-Halkaasaa maxkamaddii Alliyo maragna yaallaaye
55-Kuwaad dunada macagooda taad meel la soo geliye
56-Waxse jira Macbuudoow Ilaah toobad kaa mudane
57-Intaad maanta nooshay intaan marinku kaa awdmin
58-Waa kuu maftuux weli inaad xumaha maydhaaye
59-Maqashii adduunyada haddaad toobad muhanayso
60-Haddii kale adays mahadiyee murug u heensayso
Maxamed Xirsi Guuleed