• Laanta Afsomaliga




















Sidee Looga Ciiday Dalka koonfur Afrika?‏

Boqolaal qof oo Soomaaliyeed ayaa Maanta isugu soo baxay Hoolalka waa wayn ee ku yaala magalooyinka waaweyn ee dalka Koonfurta Afrika iyadoo ay tahay markii ugu horeysey oo ay hal maalin la ciidaan Muslimiinta dalkani Calaamka Intiisa kale oo caadi ahaan ka dambeeyn Jirey maalin aduunka Islaamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Read more »

Munaasabadda Maalinta Ciidul Adxa oo si weyn looga Ciiday Magaalada Zürich iyo wadanka Switzerland oo idil.

Munaasabadda Ciidul Adxa, ayaa maanta waxaa si isku mid loogu wada Ciiday dhammaan wadamada Caalamka Islammka iyo wadamada kale oo Islaamka ku yar yahayba, balse waxaa xusid mudan in gobollada dalka Soomaaliya oo idil laga dareemay mid ahaansha Diineed ee dadka Soomaaliyeed, waxayna Ciidan noqtay mid si reynreyn iyo Farxad leh loogu wada Ciiday dalka dhan oo ay ugu horreyso Caasimada Muqdisho. Read more »

Gobollada iyo Degmooyinka dalka Soomaaliya oo Maanta si isku mid ah looga Tukaday Ciida Barakeysan ee Ciidul Adxa.

Maanta oo Isniin ah, Bisha Dul-xijah ay tahay 10,1429, kuna beegan 08, December 2008 waxay Ummadda Islaamka ay u tahay maalin farxadeed oo ah “Ciid Al-Adxaa” ka dib markay xujayda soo guteen Ruknigii ugu weynaa Xajka ee “Banka Carafo” ilaa iyo xalay dadku way faraxsanaayeen wayna isu Hambalyeynayeen iyagoo leh Taqabala Allaah Minaa wa Minkum Saalixal Acmaal haddaba sidee looga ciiday Caasimada Soomaaliya. Read more »

Sheikh Shariif is ilaali hoosna iska fiiri.

aminarts1

Malaga yaabaa in ay daacad u noqdaan dalka iyo dadka Wasiiradan cusub.

aminarts

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa oo Shuruud ku xiray Ciidamo loo soo diro dalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa Maanta caasimadda dalka Masar ee Qaahira oo saldhig u ah Jamacadda Carabta ka sheegay in aysan suurta gal ahayn in ciidamo ka socda dalalka Carabta iyo calamka loo diro Soomaaliya haddii aysan dhicin iswaafaq dhex mara garabyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Jaamacadda carabta ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegtay hadalkan, kadib markii ay kulan Qaahira ku wada qaateen Caamir Muusa iyo wafdi ka socday Isbahaysiga dib u xoraynta oo uu horkacayay Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Read more »

Dowladda Ethiopia oo dhex dhexaadineysa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isal wasaare Nuur Cade.

Dowladda Ethiopia ayaa soo faragelisay Khilaafkii mudada soo jiray ee u dhaxeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo RW. Nuur Cade.

Sida ay xaqiijiyee ilo wareedyo kudhaw Dowladda KMG ah, waxaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho labo Sarkaal oo Ethiopian ah kuwaasi oo katirsan Hoggaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia ee ku sugan gudaha wadanka Soomaaliya. Read more »

Ra’isal wasaare Nuur Cadde oo lagu wado in uu Baarlamaanka horgeeyo wasiiradii uu dhowaan magacaabay.

Xilli mudanayaasha Baarlamaanka KMG ah wali ay horyaalaan Mooshin la xiriira arrimaha Bartoolka ayaa hadana mudooyinkan waxaa jirin kulamo uu yeelanayaan xubnaha Baarlamaanka, marka laga reebo kulamo gooni gooni ah oo ay isugu imaanayaan qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka.

Maadaama aysan Saxaafaddu ka qeyb galin kulamadaasi gooni gooniga ah ayaan la xaqiijin karin waxyaabaha ay ku saabsan yihiin kulamadaasi, hasa ahaatee hadal heynta ayaa waxaa ay tahay in Baarlamaanka uu ka doodi doono arrimaha RW. Nuur Cadde. Read more »

Ciidamada AMISOM oo qarax xoogan lagula beegsaday deegaanka KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Qarax xooogan ayaa Maanta lagula beegsaday cutubyo ka tirsan ciidamada Uganda oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, deegaanka KM-4 ee magaalada Muqdisho. Ciidamada AMISOM ee la weeraray ayaa rasaas fara badan ooda ka qaaday ka dib markii qaraxa la maqlay.

Goobta uu ka dhacay qaraxan ayaa waxaa soo gaaray ciidamo fara badan oo isugu jira Ethiopian iyo kuwa dowladda KMG ah. Read more »

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo fariin qoraal ah u diray dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda KMG Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa la sheegay inuu difaacay Siyaasadda Dowladdiisa ee ku aadan Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo Madaxweynaha iyo Jeneraalka Booliska Dowladda Cabdi Qeybdiid ay ka aaminsan yihiin inaan wax Maamul ah ka jirin isla markaana ay rumeysan yihiin in degaano ka tirsan Gobolkaas ay ku dhuumaalaysanayaan Indha Cadde iyo rag ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga iyo Al Shabaab. Read more »