Sheikh Ibraahim Sheikh Aamiin Xaaji Xassan Barsane

 Jilyaale_Online

Odayaasha Beel weynta Barsane & Sheekha Boqortooyada Barsane ayaa maanta waxa ay ku kulmmeen Jameeca Mukhtaar

Talaado 06.03.07 Jameeca Mukhtaar

Kulan ay yeesheen Maanta Beelweeynta Barsane oo ay kasoo qeyb galeen Sheikh Ibraahin Sheik Aamiin & Odayaal Aqoonyahanno & Waxgaradba ayaa kadhacay Magaalada Mukhgtaar.

Kulan kaas ayaa ahaa mid lagu falanqeynayay xaalada kajirta Maanta Wadanka Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho & Agagaarkeeda.

Kulan kan ayaa waxaa hadalkiisa kufuray Sheekha Boqortooyada Barsane ee Sheikh Ibraahin isagoona Cambaareeyn dusha uga tuuray Dowlad kusheegga uu Madaxda uyahay C/llaahi Yusuf & Cali Max. Geedi.

Isagoo kutilmaamay in ay kuxad gudbeen Qaranimada Somaliyeed iyo Wadaniyada iyo Weliba Xuquuqda Ummadda Somaliyeed .

Isagoo sheegay in ay kamid yihiin dadkii usoo halgamay Aabayaashiis & Awoowihiis oo taariikh kuleh Wadankan Somalia & Umadda Somaliyeedba.

Isagoo sifiican uga sheekeeyay halgankii uu kulahaa Wadanka Somalia Awoowihiis Allaha unaxariistee oo ku geeriyooday Gacanta Cadowgii Gumeystaha ee Talyaaniga.

Wuxuu si fiican uxusay awoowgiis oo ku magac baxay Sheikh Xassan Barsane uu kamid ahaa geesiyadii wadanka udagaalamay kuna geeriyooday isagoo kujira dagaalkaasi.

Sheikh Ibraahim Sheikh Aamiin ayaa sheegay in uusan halkan kusoo koobi karin Taariikhda uu Wadankeena kuleeyahay amaba ay kuleedahay Boqortooyada Barsne.

Ayaa sheegay in ay si cad u qaadacayaan waxa ay wadaan raggan Dowlad kusheegga ah ee cadow shisheeye wadanka usoo hogaamiyay ayna kamadax banaaan tahay beelweynta Barsane waxa ay wadaan Dowlad kusheega ayna aqoonsaneynba wax layiraahdo Dowlad kajirta Wadankan Somalia.

Jameeca_Jilyaale@hotmail.com  

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s