إنا لله و إنا إ ليه راجعون, Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan C/dulle Cusmaan (Aadan Cade) oo Geeriyooday.

Aadan CadeAaadaninnaa lillaah

Alaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi goordhaweyd ku geeriyooday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Somalia Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade) sida ay sheegeen ilo Caafimaan oo ku sugan Kenya.

 Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee qabtay xilka Madaxtinimada Somalia, 1dii bishii June sanadkii 1960 kii markaasi oo ay aheyd xilligii dalka uu xuriyadda ka helay gumeystihii talyaaniga. 

Allaha u naxariistee Aadan Cabdulle Cismaan ayaa waxa uu ku dhashay Magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1908 dii. 

1944 tii waxa uu ku biirey kooxda xurnimo doonka Somalia ee leegada, isagoo ka tirsanaa ilaa uu ka qabto xilka Madaxtinimada Somalia 1 dii bsihii June sanadkii 1960 kii xilligaasi oo si dimuquraadi ah loogu doortay in uu noqdo Madaxweynaha Somalia, waxaana lagu tilmaamaa in uu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikan ah oo si dimuquraadi ah lagu doorto, xilkana isaga daga si dumuquraadi ah.  

Waa madaxweynihii 3aad ee soo mara Wadankeena Somalia ee geeriyooday, iyadoo ay horey u geeriyoodeen Madaxweyne C/rashiid Cali (Sharmaarke) iyo Maxamed Siyaad Barre. 

Fadlan Tacsida Hoos kusoo qora inta wadaniyiinta ahoow

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s