Kalkaan ka Daawo
Waxaa Maanta Barqadnimadii la keenay Magaalada Muqdisho Meydka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,waxaana si heer Qaran ah loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah „Aadan Cadde International Airoport”.
Markii la soo dejinayey meydka Marxuumka waxaa ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo weliba Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan oo iyaguna Soomaaliya Madaxweynayaal u noqday, kuwaasi oo si heer Qaran ah u maamuusay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Intaas kadib Meydka Madaxweynaha ayaa Salaadda Janaasada lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka, halkaasi oo ay isugu tageen dadweyne aad u faro badan iyo weliba mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxaana kadib loo qaaday dhinaca halkii lagu aasi lahaa oo noqotay Deegaanka Ceel Carfiid oo Qabri looga diyaariyay.
Waxaa xusid mudneyd in Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan ay maamuuskiisa ka qeyb-qaateen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Gaadiidkooda ay ka mid ahaayeen Gaadiidkii Meydka Madaxweynaha u qaaday dhinaca Ceel Carfiid.
Isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Dadweynaha ayaa laga joojiyay Waddada Jamhuuriyadda iyo Wadada Balcad, waxaana waddooyinkaas lagu arkayay dadweyne xaafadaha dhexdooda ka eegaya gaadiidka la socda Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Sababta loo hakiyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayay saraakiisha Dowladda Federaalka u qaabilsan dhinaca aammanka ay noo sheegeen in ay la xiriirto sugidda ammaanka madaxda dowladda oo iyagu ka qeybgalay aaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Aaska Madaxweynihi hore ee Soomaaliya ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay xubno ka socday labada gole ee Dowladda Federaalka, maamulka Gobolka Banaadir, Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, kuwa Baambeyda ee Muusikada iyo weliba Culumaa”udiin ka tirsan dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca, kuwaasi oo uu horkacayay Macallin Nuur Maxamed Siyaad.
Meydka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa si Qaran oo aad u heer sareysay loogu aasay Deegaanka Ceel Carfiid, halkaasi oo looga diyaariyay meel lagu aaso, inkastoo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan go’aamiyeen in meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya lagu aaso Qabuuraha Jen. Daa’uud ee Degmada Wardhiigley.
Meydka Marxuumka ayaa saaka laga soo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa markii loo soo duulinayay Magaalada Muqdisho waxaa soo sagootiyay safiirro iyo wakiillo dalalka Beesha Caalamka u jooga magaalada Nairobi, sidaas waxaa laga dhagaystay Warbaahinta dalka Keniya.
Yusuf Garabey