Prof Dalxa oo shaaca ka qaaday inuu jiro khilaaf weyn oo u dhexeeya Madaxweynaha & Raiisul wasaaraha Dowlada KMG, lagana yaabo inuu keeno Dagaal lagu hoobto.

Pro. Dalxa

Halkaan ka akhri

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamanka Dowladda KMG Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa maanta ka hor sheegay in khilaaf uu u dhaxeeyo madaxweynaha Dowladda KMG C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal wasaaraha Dowladda KMG Cali Maxamed Geedi isagoo ugu baaqay golaha baarlamanka in ay u istaagaan xalinta khilaafka soo kala dhex galay labada masuul.

Ma ahan markii ugu horeysay oo khilaaf uu soo kala dhex galo madaxda ugu sareeysa Dowladda KMG ah, wasiirka arrimaha dibada Ethiopia ayaa sanadkii la soo dhaafay heshiisiiyay madaxweyne C/llaahi Yusuf iyo guddoomiyaha baarlamanka oo isku dhinac ahaa iyo ra’iisal wasaaraha Cali Geedi oo dhinac ah kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay.

Prof. Dalxa oo maanta khudbad ka jeediyay golaha baarlamanka ayaa sheegay in isqabqabsi uu ka dhaxeeyo madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha isagoo ka digay in dagaal uu ka dhex qarxo madaxda ugu sareysa ee Dowladda KMG haddii aaney xildhibaanada baarlamanka qaadin tallaabo lagu heshiisiinayo labada masuul.

Khilaafkan xoogan ee la sheegayo in uu u dhaxeeyo labada masuul ayaa ku soo aaday xilli maalmo yar oo kaliya ay kasoo wareegtay markii madaxweynaha Ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha baarlamanka iyo wafdi ballaaran oo ay hogaaminayeen iyagoo sheegay in ay dalka Sacuudiga u aadayaan in ay ku saxiixaan heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaada ka aloosan dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee waxaa iska cad in aysan heshiin u tagin balse ay udoonteen gunno lacantii Sakada aheyd balse horaa waxaa loo yiri ( labadii Xaaraan ku heshiiso xalaal kuma heshiiyaan).

 Ruun Barsane Xafiiska Baidoa

Jameeca_jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s