Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta ee Midawga Jabhada Xoraynta Somali-Galbeed.

S/galbeed

Halkaan ka akhri

S/galbeed 

Midawga Jabhada Xoraynta Somali-Galbeed
Xafiiska Warbaahinta U.W.S.L.F
Date: 21/09/2007
War Saxaafadeed:

Ujeedo: Taageerid riboodkii gudiga xaqiiqa raadinta ee UN ee loo diray Somali-Galbeed .

Taariikhdu markay ahayd: 1-20/9/2007 waxay Qaramada Midoobay u dirtay gobalka S/Galbeed gudi xaqiiqa raadin ah, kaasoo soo baarayay bal inata uu dhanyahay xasuuqa ay u gaysteen ciidamada Tekreegu 3 bilood ee u dambaysay shacabka S/Galbeed.

Gudigan oo soo gabagabeeyay hawshiisii shalay oo ahayd 20/9/2007 ayaa wuxuu soo saaray arimahan:
1- Xasuuqa ka dhacay Somali-Galbeed waa mid ka wayn inta aan moodaynay markii hore.

2- Sidaa darteed waxaan ku talinaynaa in la diro gudi xaqiiqa raadina oo heer caalami ah kana madax banaan fara galinta dawlada Tikreega.

Hadaba anagoo ah “Jabhada midawga xoraynta Somali-Galbeed” (MJXSG) waxaanu soo dhawaynaynaa riboodkan ay soo saartay gudiga xaqiiqa raadintu, waxaana sii adkaynaynaa arimahan:

1- Jabhadu waxay bogaadinaysaa dhamaan talaabooyinka noocan oo kale ah ee ay qaadayso United Nation-ka.

2- Waxaanu ku baaqaynaa in ladiro gudi cusub oo xaqiiqa raadin caalami ah kana madax banaan dawlada Tikreega sida ugu dhaqsiyaha badan.

3- Jabhadu waxay balan qaadaysaa inay ka qayb qaadato sugista amniga gudigaas iyo waliba inay u sahasho hawlohooda inata ay joogaan Somali-Galbeed.

4- Waxaan ka codsanaynaa “Ururka isbhaysiga islaamka” iyo “Jaamacada Carabtaba” inay ka qayb qaataan barnaamijkaas xaqiiqa raadinta ah.

5- Caalamka waxaan u sheegaynaa xalka dhabta ahi inuu yahay gumaysiga Tikreega oo ka baxa gobolka Somali-Galbeed.

Midawga Jabhada Xoraynta Somali-Galbeed

Xafiiska warbaahinta

Jameeca_jilyaale@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s