Ciidamada Isbahaysiga dib u xureynta Soomaaliya oo ku gacan Sarreeya dagaallada ay isaga soo horjeedaan iyaga iyo Ciidamada Huwanta ah.

 Halkaan ka akhri

Dagaalkii kululaa ee xalay ka dhacay aagagga Saldhiga Hodan iyo taliska guulwadayaasha ee magaalada Muqdisho ee ay isku hardiyeen Ciidamada Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaalaiya iyo Ciidamada Huwanta ayaa markii ugu horeysay waxaa Saakey lagu arkay meeyd fara badan oo tuban luuqluuqyada dhex-mara xaafadaha iyo wadooyinka waaweyn ka dib markii ay si ba’an oo fool ka fool ah isugu gacan saareen labada ciidan .

Dadka Xaafadahaas deggan ayaa Saaka arkay meeydadka daadsan xaafadaha labada goobood ee dagaalka kulul ka socday, balse qof ka tirsan ciidamada dowladda oo codsaday in magaciisa la sheego ayaa Wakiilka SomaliSwiss u sheegay in dagaalkii xalay dhacay ay ku gacan sarreeyeen Ciidamada Isbahaysiga ee ka dagaalamayey waxaana ku dhintay 10-neeya Askari oo ciidamada dowlada ka tirsan, wxuu kaloo uu sheegay Askarigan in saldhigga degmada Hodan ay qabsadeen Ciidanka Isbahaysiga dib u xureynta Soomaaliya .

Balse weerar rogaal celin ay soo abaabuleyn ayaa Ciidamada dowladda ay dib ugu qaadeen Saldhiga Hodan oo ay muqaawimada gacan ku heyntiisa hore ugala wareegeen kuwa dowlada. Hase ahaatee Ciidanada Isbahaysiga iyagaa isaga baxay ee kama dhicin dagaal culus.

Waxaa kaloo la soo xaqiijiyay in xoogaga Isbahaysiga looga dilay sedex askari duulaankii ay ku qaadeen aaga xerada guulwadayaasha, afar kale looga dhawaaqay ka dib markay iska caabin xoogan kala kulmeen ciidankii dowladda ee xeradaas ku sugnaa, waxaase dhinaca kale dowlada looga dilay duulaankaas laba askari, iyadoo sedex kalana looga dhawaaqay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s