Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf wuxuu rabaa inuu Xilka ka qaado Ra´isal Wasaare Cali Geedi, balse Cali Geedina muxuu rabaa isna??.

Halkaan ka akhri

Khilaafka u dhexeeya labada nin ee ugu sareysa Dowladda KMG ah aad buu u sii durkay Raiisul Wasaaraha wuxuu ku fikirayaa sida ay u suurta gal tahay in Madaxweynaha “Impeachment” lagu sameeyo.

Arrintaas xooggeeda waxaa qabanaya Baarlamanka KMG ah iyo Maxkamadda Sare oo wada jira, Raiisul Wasaaraha waxay awooddiisa ku salaysan tahay xubno badan oo asaga la jira.

Arrimahaan waxay ka soo baxayaan oo laga hadal haayaa Baarlamanka KMG ee fadhigiisu yahay Baydhabo, inkastoo Mooshinku uu dheer yahay.

Dhinaca kale, waxaa aad iyo aad u soo caddaanaysa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inuu rabo inuu xil ka qaadis ku sameeyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

Tan waxay u suurta gali kartaa Madaxweynaha haddii uu isticmaalo awood dheeraad ah ee uu oggolaanayo Cahdiga KMG Madaxweynaha inuu sidaas sameeyo waxaa u suurta galin kara Cahdiga KMG ee Qaranka.

Labada arrinba, “impeachment” lagu sameeyo Madaxweynaha ama xil-ka-qaadid Raiisul Wasaaraha lagu sameeyo, waxay keenayaan dhibaato hor leh, oo dheeraad ku ah mucaaradada xooggan ee hadda Xamar ka jirta, iyo awoodda carcar ka sidata ee Isbahaysiga Di-u-xorraynta Somalia, Taasi waxay dhalinaysaa dawladdii taagta darnayd inay sii daciifowdo, ka dibna burburto.

Habeen walba waxaa sii xoogeysanaya weerarada iyo dilalka Ciidamada Dowlada KMG ah iyagoo difaacaya Ciidamada kale ee Gumeystaha Ethiopia.

Balse waxaa cad in ay macaadeen Ciidamadan loo soo xiray dareeska Askarta oo meeshi habeen lagu gaaraba wey cararaan oo meel ayeey isugu tagaan, iyagoo maalinta soo laabta Shacabkana ku gumaada Guryahooda.

Balse waxaas oo dhan waxey kordhinayaan naceybka dadweynaha oo iyagu maalinba maalinta kadambeysa laxasuuqayo.

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa ah mid ay kusii badaneysa dhibaatooyinka ay u geysanayaan Askarta Dowladda KMG ah, iyadoo dhinaca kalana ay soo badaneyso dhaqaala darida iyo shaqa la´aanta, taasina ay abuurtay ninkii awal iska fadhiyay ee u adkeysanayay xabadaha iyo qafaalka Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG ah, in uu lasoo boxo qorigiisa si uu iskaga difaaco dhibaatada aan dhamaaneyn ee maalin walba sii badaneysa.

Si kastaba ha ahaatee arinta Soomaaliya ayaa sii cakirmeysa balse dhibaatada ugu weyn waxey heysataa shacabka miskiinka ah ee maalin walba barakaya, kii ku haraa muqdishana ay u joogaan Ciidamadan iyagu wax magaratada ah ee aan u naxariisan shacabkan masaakiinka ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s