Dagaal culus oo Caawa maqrabkii ka billaabmay Xerooyinka ku yaalla agagaarka Wadada Warshadaha sida, xerada Guulwadayaasha, Lidka Taangiyada iyo Xarunta dhexe ee Gaashaandhigga.

Halkaan ka akhri 

Caawa ayaa dagaal culus oo laysku adeegsaday hubka waawayn iyo waxyaabaha qarxa kaasoo dhimasho iyo dhaacwacyo badan gaarsiiyay Gumeysiga Ciidamada Ethiopia, ayaa goor dhaw ka billowday qaybo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa ah mid aad u qaraar una dhexeeyo Ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ethiopipia oo isku meel ah iyo Isbahaysiga dib u Xoreynta Soomaaliya ee fara kulul ku haya.

dagaalkan ayaa bilaawday Caawa Maqribkii ilaa iminkana socda, waxaana la maqlayaa dhawaaqa Madaafiicda oo si daran dooriya ay isku waydaarsanayaan labada dhinac.

goobaha sida tooska ah loogu dagaalamayo ayaa waxaa kamid ah Xeradii hore ee guul-wadayaasha iyo xerooyinkii Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo hada ay ciidamada Cadowga Ethiopia Fadhiisin ka dhigteen iyo kuwa dowlada KMG ee Soomaaliya.

Dagaalka caawa ayaan laxaqiijin karin qasaaraha dhabta ah ee uu geystay, balse dad ka agdhow meelaha lagu dagaalamaya oo aanu ka wareysannay sida ay wax u jiraan ayaa nooga war bixiyay dagaalku in uu yahay mid sida caadada aheydba gabaldhicii lagu qaaday xerooyin ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada KMG ah deganaayeen.

Maaha markii ugu horeysay ee xerooyin ay degan yihiin ciidamo katirsan Dowlada ama kuwa Ethiopia-ba lagu qaado weerarro noocan oo kala ah.

Waxaa habeennadamba socday dagaala cul culus oo lagu qaado meela ay degan yihiin Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG ah, jabab xoog lehna loogu geystay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s