Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday deegaaka Abeesalaay uu sii xoogaystay.

 Halkaan ka akhri

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in uu saaka dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kasoo ka dhex qarxay Ciidamada Maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland ee iyagu isku horfadhiyay deegaannada Abeesalaay iyo Aricaddeeye.

Dagaalka ayaa waxa uu ka bilaawday Mawdari oo laascaanood Waqooyi kaga beegan 15KM xaalada ayaa ah mid aad u kacsan waxaana dagaalka uu bilaawday markii ay garaadyada ama Odayaashii dhaqanka ku guul dareysteen in ay xaliyaan Dagaalkan.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday deegaaka Abeesalaay uu sii xoogaystay.

Waxaana laga dareemayaa magaalada Laascaanood kacsanaan iyada oo dadka deegaanka iyo gurmad ciidanka Daraawiishta ay ku sii qulqulayaan deegaanka Abeesalaay.

Labada maamul ayaa mid walba wuxuu sheeganayaa in uu guul ka gaaray dagaalka ka socda duleedka Magaalada Laascaanood.

Lama cadeyn karo xaalada dhabta ah iyo cidii meel qabsatay intaba, balse wixii soo kordha gadaal ayaanu idinkaga soo gudbin doonnaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s