Afhayeenkii Dowladda KMG C/raxmaan Diinaari oo markii ugu horaysay sheegay in dowladda Ethiopia ay xasuuq qorshaysan ka wado magaaladda Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Warbixinta Halkaan ka dhagayso

Afhayeenkii hore ee kooxda Dowladda KMG ah C/raxman Nuur Maxamed (C/raxmaan Diinaari) oo haatan ku sugan magaaladda Stockholm ee wadanka Sweden ayaa markii ugu horaysay dowladda Ethiopia ku eedeeyay in ciidamadeedu ay xasuuq qorshaysan ay ka wadaan magaaladda Muqdisho.

C/raxmaan Diinaari ayaa sheegay in dowladda Ethiopia oo kaashanaysa xubno sare oo ka tirsan Dowladda KMG iyo wadamo kale oo uu ka gaabsaday in uu magacaabo ay wadanka Somalia ka wadaan dagaal diimeed.

C/raxmaan Diinaari oo la ogaa hadaladii uu ku hadli jirey intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho & Baydhabo ayaa u baahan in la weydiiyo su’aalo badan oo ku saabsan hadaladii diin ka baxa ahaa ee uu ku hadli jiray & sababta uu hadda isku bedelay iyadoo dad badan oo hadaladiisa idaacadaha ka dhegaysan jiray ay ku reebtay xusuus aad u xun oo ay adagtahay sida dad badan u cafiyaan, maadaama uu ahaa afhayeenkii ugu xumaa ee u hadla Dowladda oo soo mara Shacabka Soomaaliyeed,

Waxaa la sugaa hadda waa ina gacmodheere oo isagana wadan kale taga oo loo arko nin fiican ka dib markuu eedeeyo Itoobiya isagoo iska dhigaya nin ka danqanaya dhibaatada shacabka muqdisho lagu haayo, waxana fiican in dad badani ka fakiraan nin kasta oo maanta gumaysiga la shaqeysta berina iska dhiga nin aan ka mid ahayn dhibaatada dadka masaakiinta ee dhaca, kufsiga & barakicinta lagu haayo.

Eedeynta diinaari ee Dowladda KMG maxaa ka mid ah.

C/raxmaan Diinaari waxa uu  Dowladda KMG ah ku eedeeyay in ay iyadu masuul ka tahay shacabka Soomaaliyeed ee lagu takoorayo caqiidadooda iyadoo loo adeegsanayo ereyga argagixiso sida uu hadalka u dhigay.

C/raxmaan Diinaari waxa uu sheegay in sababta loo laynayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay tahay dagaal xagga diinta ah isla markaana taasi ay cadayn u tahay in argagixiso lagu tilmaamo dadkii ka qaxay magaaladda Muqdisho ee degay Ceelasha biyaha siinka dheer.

Mr Diinaari waxa uu intaasi ku daray in uu go,aansaday in uu qaxooti ahaan u joogo wadanka Sweden intii uu xil u hayn lahaa wuxuu ugu yeeray dowladda cadwga ku ah shacabkeeda ee maalinkasta xasuuqaysa rayidka aan waxba galabsan.

Markii ugu dambeeysay Diinaari wuxuu ka cararay iyadoo digniin la siiyey ka dibna safar uu baydhabo uga imaanayey uu baabuur kula qalibmay wadada isku xirta baydhabo & muqdisho halkaas uu dhaawac ka soo gaaray. waqtigaa wixii ka dambeeyey wuxuu ku sugnaa meelo kala duwan oo ay ugu dambeysay Wadanka siiriya halkaas oo safiir loogu magacaabay.

Soomaalida ayaa lagu yaqaan inay hilmaan dhowyihiin, ragga dhibaatada u soo horseeday ee ay ka midka yihiin Diinaari, Gacmodheere, Geedi, maxamed dheere, salaad cali jeele, xuseen ceydiid, c/llaahi yusuf, aadan madoobe, Cabdi qaybdiid, shaatigaduud, xasan abshir, Darwsiish & rag kale oo halkan lagu soo koobi karin ayaan ka sugaynaa inay dhammaantood eedeeyaan Cadawga itoobiya maalinka ay ka waayaan jagada ay maanta sheeganayaan, raalina uga yihiin in umadda soomaaliyeed la baabi’iyo dalkoodii & diintoodiina iibsaday.

 Warbixinta Halkaan ka dhagayso 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s