Melles Zanawe oo u yeeray Wakiilladiisa Puntland & Somaliland Jen. Cadde Muuse iyo Daahir Riyaale inay si degdeg ah ku soo gelaan Xarunta dhexe ee Addis-ababa, si loo siiyo Awaamiir cusub.

Halkaan ka akhri

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helayo magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ayaa sheegaya in ra’isul wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi uu fariimo u soo kala diray Madaxweynayaasha maamulada Somaliland iyo Puntland Daahir Rayaale Kaahin iyo Jen. Cadde Muuse Xirsi, maadaama labada maamulba ay hoos tagaan Taliska Tigreega ee dalka Itoobiya.

Waxaa arintani ay qeyb ka tahay ayaa la leeyahay dadaal nabadeed oo Melles ku doonayo inuu ku dhexdhexaadiso labada dhinac, lamana oga illaa hadda in casuumadaasi ay aqbaleen iyo in kale, balse waxaa hubanti ah inay Taliska Itoobiya ay xiriir wanaagsan la leedahay labada maamulba .

anticarro.jpg

Xiisado dagaal iyo dhiilo colaadeed oo cirka isku sii shareereysa ayaa saaka laga dareemayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo deegaanada ku xeeran ka dib dagaal qaraar shalay ka qarxay deegaanka Abeesaale oo ilaa 16-Km wax ka yar u jira magaaladaasi kaasoo u dhexeeya ciidamada labada maamul ee Puntland iyo Somaliland oo mudooyinkana isku hor fadhiyey deegaano badan oo ka tirsan gobolkaasi.

Waxaa saaka xiran goobaha ganacsiga, iyadoo dadweynaha magaalada Laascaanoodna ay bilaabeen iney guryahooda ka barakacaan sababo la xiriira in dagaalka ka socda hareeraha magaalada uu ku soo fido gudaheeda oo ka dibna ay ka soo gaarto waxyeelo, waxaana la arkayey sida suxufiyiinta halkaasi jooga ay soo sheegayaan dadku ay u firxanayaan deegaanada iyo tuulooyinka ka baxsan magaalada oo alaabadoodii guryaha qaar ka mid ahna horey u sii daabulaya, iyadoo rasaas goos goos ahna ay hadba ka dhaceyso gudaha iyo hareeraha magaalada.

Wasiirka gaashaansdhiga ee Somaliland ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka guuleysteen kuwa Puntland ayna gacanta ku dhigeen magaalada Laascaanood, wuxuuna intaa ku daray in wax dhimasho ah aysan ciidamadooda ka soo gaarin dagaalka oo kaliyana ay tiro ciidamo ah kaga soo dhaawacmeen, wuxuuna intaa ku daray in 30 ka tirsan ciidamada Puntland ay dagaalkaasi maxaabiis ahaan ugu qabsadeen.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha gobolka Sool ee maamulka Puntland ayaa qirtay in ciidamadooda ay ka soo baxeen jiidaha hore ee dagaalka gaar ahaan deegaanka Abeesaaley, isagoo hasee ahaatee sheegay iney ku sugan yihiin meel ilaa 10-km u jirta magaalada Laascaanood oo difaacna ay ka galeen, wuxuuna meesha ka saaray sheegasahada Somalialnd ee ah iney qabsadeen Laascaanood, wuxuuna sheegay in magaaladaasi ay weli gacantooda ku jirto oo isla markaana ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland, wuxuuna ku eedeeyey Somaliland iney dagaalkasi u soo adeegsatay wax uu ugu yeeray Kooxo argagaxiso ah oo xiriir hoose uu ka dhexeeyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s