Jendayi Frazer oo si weyn ugu fadeexowday difaacida dambiyada dagaal ee Ciidamada Ethiopia, iyadoo laqorsheynayo Cunna qabateyn lagu soo rogo dowladda Ethiopia.

Miss Frazer

Halkaan ka akhri

SomaliSwiss Videohttp://international.edgeboss.net/real/international/af_10-2-07.smi


Congressman Payne iyo Smith Oo Jendayi Frazer Ku Fadeexadeeyay Siyaasadeeda ay ku difaaceysay Dowladda Ethiopia.

Guddiga arrimaha Afrika ee Congress-ka Maraykanka ayaa Congressman Payne iyo ku xigeen kiisa Congressman Smith ku fadexadeeyeen siyaasada Jendayi Frazer oo ah in si indha la’aan ah loo taageero dowlada Ethiopia.

Waxaa ka mid ahaa hadalada aan meel ku oolka aheyn oo lagu qabsaday markii ay tiri ONLF waa qaataliin oo 3 gargaarayaal ka socda caalamka ayay dileen ayuu Congressman Payne waydiiyay “Meeshaan waxaan ku haynaa qolo ku dishay bartamaha Addis Ababa 200 oo rayid ah waadna taagersantahay!”ayey dheheen.

Wuxuu kaloo u sheegay inay marka hore warlords-ka ay lacagta siiso ku darto liiska argagaxisada inteysan ka hadalin Eriteria.

Sidoo kale waxaa lasoo hordhigay xasuuqii ba’anaa ee Ciidamada Ethiopia kageysteen Magaalada Muqdisho, iyo weliba gobolada Soomaaliya qaar.

Waxaa loo sheegay Dowlada Ethiopia waxa ay kutaageertay Dowlada Mareykanka ee ahaa in ay ladagaalamayaan Argagixiso, balse ayey dheheen Diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo Ciidamada Ethiopia-ba waxa ay xasuuqeen in aysan ahey Argagixiso, balse ay xasuuq u geysteen dad badan oo shacab ah. 

SomaliSwiss Videohttp://international.edgeboss.net/real/international/af_10-2-07.smi

Waxaa loo sheegay in waxa ugu muhiimsan ee halkaasi looga doodayay ay tahay dambiyada dagaal ee ay geysteen Ciidamada Ethiopia, lana hirgelinayo hadii ay soo baxaan waxyaabaha laraadinayo loo soo bandhigo aduunyada kadibna cunna qabateyn sidaas lagu saaro.

Waxaa kaloo loo sheegay in ay Ciidamada Ethiopia Baabi’iyeen Tuulooyin ay deganaayeen Soomaalida Ogaden, iyagoo dab qabadsiiyay, dad badanna ku laayay oo aan waxba galabsan.

Miss Frazer ayaa loo sheegay meesha ay kacayaartay doorka xasuuqa Soomaalia uu yahay mid weli xisaabtiisa lagu jiro, lagana yaabo hadii ay soo baxdo natiijada ay iyada lafteeda qod kayeelan doonto.

Si kastaba ha ahaatee doodan ayaa ah mid si fiican loogu fadeexeeystay Miss Jendayi Frazer oo iyadoo hoos fiirineysa isaga dhaqaaqday.

Waxba yaanan hadal idinku daaline cidii taqaana Luqadda Ingriiska bal hadaawato Video-gan.

 SomaliSwiss Videohttp://international.edgeboss.net/real/international/af_10-2-07.smi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s