Warbixintii ugu dambeysay ee dabkii xalay qabsaday Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho (Hoos ka daawo Sawirada).

bak2

Halkaan ka akhri

Warbixintii ugu dambeysay oo ku saabsan dabkii xalay qabsaday Suuqa Weyn ee Bakaaraha, waxaa warka Saakay naga soo gaaray magaalada Muqdisho uu sheegayaa inuu keenay Khasaaro aad u baaxad weyn, iyadoo dabkaasi uu baabi’iyay hanti badan oo isugu jirta dhar, maacuun, raashi iyo badeecado kala duwan.

Meelaha gubtay ayaa waxaa ka mid ah: Qeybaha Maacuunta, Bacadlihii hore ee suuqa Bakaaraha, malabka, Kutubada, Rinjiga iyo qeybo kale oo lagu iibin jirey alaabo kala duwan, waxaana dabkaan uu ahaa mid aad u xoogan oo hanti badan ay ku baaba’day.

Intii ay socotay gubashada ayaa gudaha suuqa Bakaaraha laga maqlayey Dhowr Qarax, waxaana loo maleeyay in ay ahaayeen Gasacdii rinjiga oo qarxayay, sidoo kale waxaa la maqlayay rasaas goos goos ah oo lagu baacsanayay kooxaha wax booba oo xalay si weyn u soo buuxiyay suuqa.

Suuqa Bakaaraha oo marar badan gubtay ayaa dabkiii xalay qabsaday waxa uu ahaa mid aad u xoogan, iyadoo sanad kasta mar la arko dabka ceenkaan oo kale ah, balse lama oga sababta dhabta ah ee dabkaan uu ka dhashay, hase ahaatee warar ayaa sheegaya inuu dabkan ka kacay rasaas haboow ah oo ku soo dhacday suuqa.

Dhinaca kale dabkan ayaa si aad ah loogu eedeeynayaa in ay kadambeeyaan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda kumeel gaarka ah, waxaana leysla dhex maryaa in ay sababtay madaafiic iyaga ay soo rideen, kuna dhacday Suuqa Bakaaraha, sidaasna uu dabku kadhashay.

Gubashada Suuqan oo socotay saacado ayaa markii dambe iskiis u yaraaday, ka dibna iskiis u damay, ma ahan markii ugu horreysay oo dab ceynkaan oo kale ah uu ka kaco suuqa Bakaaraha, iyadoo ilaa 4 jeer uu dab ka kacay Suuqan.

bakbak1bak2bak3bak4bakaaro2.JPGbak5bak6bak7

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s