Warsaxaafadeed uu soo saaray Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo ku saabsan Xaaladaha cakiran ee sii xumaanaya ee ka jira dalka Soomaaliya.

Ururka Cusub 

Halkaan ka akhri

Nuqul qoraal warsaxaafadeed ah ooIsbahayga Dib u Xoreynta Soomaaliya ay maanta 03/10/2007, ka soo saareen magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa Wakiilka SomaliSwiss inoo soo diray, warsaxaafadeedkan ayaa ku saabsan xaaladda cakiran ee sii xumaanaya ee ka jira dalka soomaaliya, kaasoo u qornaa sidatan :-

I)- Gubidda suuqa bakaaraha iyo is hortaaga dadaalkii wax looga qaban lahaa falkaas cadawnimada ah waa qeyb ka mid ah falalka foosha xun ee shacbiga soomaaliyeed lagula dagaalamayo noloshiisa iyo jiritaankiisa ee sida joogtada ah ay u fulinayaan ciidamada gumeysiga Ethoipia iyo dabadhilifyadooda .

Ceeb kuma aha kuwii dadka guryaha ku dumiyey , hantidoodana boobay, maatidiina barakiciyey dabdeedna ka hor istaagay biyo iyo baadba in la gaarsiiyo inay maanta dab geliyaan suuqii Bakaaraha ee ugu weynaa ganacsiga Soomaaliyeed si loo xididdo calaamadaha nolosha ee ka jiri kara caasimadda iyo dalka intiisa kale, dhidibadana loogu aaso joogitaanka gumeysiga ee dalka Soomaaliyeed.

II)- Ciidamada Ethiopia ee dalka lagu soo daadgureynayo, iyo kala wareegidda hubka maleeshiyaadkii dabadhilifka u ahaa, iyo qorshaha ciidamda Ethiopia ku qabsanayaan goobo xasaasi ah oo caasimada ka mid ah iyo isu diyaarinta xooga leh ee ay ku doonayaan inay safka hore isi soo dhigaan, waa marxaladii xigtay ee lagu doonayo in dib loogu gumaado intii ka badbaaday xasuuqii lagula kacay shacabka soomaaliyeed horaantii qabsashada dalka.

Mar ha ddii uu arrinku sidaas yahayna micno ay leedahay ma garanynayno joogitaanka ciidamo lagu sheego in loo keenay ilaalinta nabadda sida kuwa Uganda ee hadda muqdisho ku sugan , waana markhaati ma doonto fashilka kuwii ku andacoonayey inay dalka wax ka yihiin.

III)- Isbahaysigu isagoo ka duulaya xaqaa’iqdaasi jirta waxa uu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta baabi’inta iyo xasuuqa lala damacsan yahay mar kale in loo geysto shacbiga Soomaaliyeed iyadoo aan wax la iska weydiinin kuwii hore u dhacay iyo kuwa haatan taaganba.

IV)- Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa dalalka caalamka ee nabadda jecel, ururada goboleed iyo kuwa dawliga ah inay gutaan masuuliyadda ka saaran badbaadinta shacbka Soomaaliyeed ee lagu gumaadayo aaladda cadawga dalka ku soo duulay ee ka madax adeygay in uu dhawro dhamman sharuucda caalamka ee madax banaanida iyo dhawridda xaquuqda aadanaha.

V)- Isbahaysigu waxa uu sidoo kale ku boorinayaa bulshada Soomaalieed qeybaheeda kala duwan inay iscaawiyaan una gargaaraan walaalahooda tabaaleysan. Sidoo kale waxa uu ugu baaqayaa hay’adaha samafalka ee goboleed iyo kuwa dawliga ahba inay taakuleeyaan shacabka soomaaliyeed ee sida joogtada ah loogala dagaalamayo nolosha iyo jiritaanka.

VI)- Isbahaysiga waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digayaa colaadaha sida qorsheysan looga dhex hurinayo ee ay ka dambeeyaan ciidamada Ethiopia iyo dabadhilifyadooda kuwaas oo ujeedada ka dambeysa ay tahay in indhaha caalamka lagaga sii jeediyo dambiyada lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna Isbahaysigu Culumaa’udiinka, Ugaasyada, Boqorada, iyo Odayaasha dhaqanka ugu baaqayaa inay kaalintoodii hormuudnimo ka qaataan daminta colaadahaas, bulshadana uga digaan colaadda iyo dagaalada sokeeye kuwaas oo cidda keliya ee ka faa’iideysa ay tahay cadwga soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed.

VII)- Ugu dambeyntii Isbahaysigu wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu yeerayaa inay midnimadooda adkeeyaan, cadawga ku soo duulayna meel uga soo wada jeestaan naf iyo maalna uga qeybqaataan muqaawamada barakeysan si ay u difaadaan diintooda, dadkooda iyo dalkoodaba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s