Xiladhibaanadda Barlamaanka KMG ah oo u diyaar garoobaya codbixin loo qaadi doono Dowladda uu hoggaaminayo Ra’isul Wasaare Cali Maxamed Geedi.

baydhaba.jpg 

Halkaan ka akhri

Ilo wareed oo lagu kalsoon yahay ee ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xildhibaanada Barlamaanka ay isu diyaarinayaan codbixin looga qaado kalsoonida dowladda uu hoggaamiyo Prof. Cali Maxamed Geeddi, Sidaas darteed warku wuxuu intaa raaciyey in xildhibaanno badan ay ku qulqulayaan magaalada Baydhabo, sidii ay uga qaybgeli lahaayeen kulanka lagu wado in baarlamaanka uu yeelan doono 12-ka bishaan Oktoobar,kaasoo lagu fanqeyn doono wax-qabadka dowladda, maadaama ay dhamaatay waqtiga jiritaankeeda.

Balse wararka ayaa sheegaya in Prof. Geeddi ay dowladdiisa ku leedahay xildhibaanno badan golaha Baarlamaanka, kuwaasoo taageersan, waxaana jira sidoo kale xildhibaanno si weyn uga soo horjeeda Prof. Geeddi diidanna inay dowladdiisu sii jirto.

Hotellada magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in laga là yahay boosas ay jiiftaan Xildhibaannada soo gaaray, waxaana kulammada looga xaajoonayo codka loo qaadayo Dowladda Prof. Geeddi ay ka billaabayaan Baydhabo maalinta berri ah oo ku aaddan Sabti, iyadoo 6-maalmood ay ka harsan tahay xilliga lagu wado in codka loo qaado Dowladda Prof. Geeddi.

Prof. Geeddi ayaa lagu haystaa qodobbo dastuuri ah oo aanay weli uusan fulin, waxaana ka mid in xilliga dowladda ay ku eg tahay 12ka Oktoobar iyo in weli la sameyn Tirikoobka dadweynaha Soomaaliyeed, si mustaqbalka dhow loo sameeyo Codbixin Dimoqraadi ah, hase ahaatee waxaa jira xod-xodashooyin fara badan oo ka dhex jira xildhibaannada, kuwaas oo ay koox walba ku doonayso inay iyadu ku hesho codka aqlabiyadda ah, iyadoo xubnaha taageersan Prof. Geeddi la sheegayo inay ku badan yihiin Baydhabo xilligaan; balse ay socdaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s