Jeneral Jilicoow Caddoow iyo ilaaladiisa ayaa galabta lagu dilay isgoyska afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho.

jilacow.jpg

Halkaan ka akhri

Sadex ruux oo uu kamid ahaa Jeneral Axmed Jilicoow Caddoow ayaa galabta lagu dilay isgoyska afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho.

Dilka Jeneraal Jilicoow iyo labada nin oo kale ayaa waxa uu dhacay 05:00 galabnimo iyo daqiiqado yar kadib.

xeer.gif

Jeneraal Jilicoow ayaa waxaa dilkiisa fuliyay rag ku hubeysnaa Baastoolado oo rasaas la beegsaday Marxuumka xilli gaari uu saarnaa uu marayay isgoyska afarta Jardiino ee magaalada Muqdisho.

Jeneraalka ayaa lasheegay isaga iyo laba qof oo kale gaari ay wateen lagu hor gooyay gaari kale oo ay wateen ragii isu soo diyaariyay dilkooda kadibna rasaas ooda oga qaaday.

Jeneneralka ayaa waxaa la sheegay in dhaawac daran uu ka so gaaray rasaastaasii lala dhacay, kadib markii Ispitalka Keysaney lageeyayna dhintay.

Sidoo kale isla rasaastaas ayaa waxaa ku geeriyooday darawalkii Jilicoow iyo nin kale oo ilaaladiisa kamid ahaa.

Waa mas’uul kii labaad oo maanta lagu dilo Muqdisho, iyadoo K/xigeenkii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka C/qaadir Max’ed Sheekh Aayatulaahi maanta kooxo hubeysan ay ku dileen suuqa Bakaaraha ka dib markii bam ay la beegsadeen gaari uu watay.

Jeneraal Jilicoow ayaa xilal kala duwan ka soo qabtey Dowladdii Militariga aheyd ee Maxamed Siyaad Barre, isagoo noqday duqii hore ee magaalada Muqdisho marna waxa uu noqday taliyeyaasha sar sare ee ciidamada nabad sugidda, iyadoo dad badana ay ku xusuustaan doorkii uu ku lahaa howlihii nabad sugidda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s