Afayeenkii Dowladda KMG Cabdi Xaaji goobdoon oo magangalyo Siyaasadeed weydiistay Dowadda Mareykanka.

Cabdi Xaaji Goobdoon

Halkaan ka akhri

Afayeenkii Dowladda KMG Cabdi Xaaji goobdoon oo ka baxsaday Dowlada KMG ah kadibna Magangalyo siyaasadeed weydiistay Mareykanka.

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in Afhayeenka Dowladda KMG Cabdi Xaaji goobdoon uu weydiistay Magangalyo Siyaasadeed dowlada Mareykanka iyadoo uu warku intaa ku darayo in ay dowlada Mareykanka ka aqbshaya aqoonsigiisa Afhayeenka.

Cabdi Xaaji Goobdoon oo ahaa afhayeenkii ugu danbeyey ee Wasiirka koowaada Cali Maxamed Geeddi ayaa u muqda is dhiibidiisa cadaadis ugu yimid howlihiisa shaqo ee uu ka hayey Dowladda KMG isagoona la sheegayo in uu la soo baxsaday Naftiisa si aan loo khaarijin (loo dilin) madaama xiligaan khaarijis xoogan ay fulinayaan sir doonka Ethiopian-ka kaasoo ay ugu geysanayaan cid walba oo aqoon leh ama darajo sare ka ahaa ciidanka Dowladihii hore ee Soomaaliya.

Afayeenka oo hayo Sirar badan ayaa idiin balan qaadeynaa in aan wareysi cod ah kasoo qaadno si shacabka uu ugu sheego sirta badan uu haayo ee kusaabsan Gumeystaha iyo daba dhilifyadiisa.

Is dhiibida Afayeenka Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa ku soo aaday maalmo kadib is dhiibid uu is dhiibay Afayeenkii kaga horey shaqada Cabdiraxamaan Diinaari oo isagu hada ku sugan wadanka Sweden dowladaasina ka codsaday magangalyo Siyaasadeed.

Is dhiibida xubnaha dowlada ayaa xiligaan si xowli ah u socda iyadoona dhawaan la sugayo xubna badan oo firxad ah oo ka tirsan labada gole ee Dowlada si ay isaga dhibaan wadamada bixiyaha magangalyada Siyaadeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s