Boqor Buur-madow “Ma jiro Isin Majeerteeniya ah oo dhexdhexaad ah, kuligood waxay la safan yihiin Puntlnad, bisad Dhiig leh bey C/llaahi Yuusuf kula tukanayaan Xamar”.

Cadowga Xasuuqay Shacabka

Halkaan ka akhri

Boqor Cismaan Aw-Max’uud Buur madow oo ka mid ah oday dhaqameedyada magaca ku leh beelaha Somaliland ayaa sheegay in salaadiinta Somaliland ay mudadii shanta ah sano aheyd ee la soo dhaafay ay ahaayeen kuwii hor joogay in colaado ay ka dilaacaan deegaanada Sool iyo Sanaag Bari oo ay ku muransan yihiin maamulada Somaliland iyo Puntland, isagoo ku eedeeyey salaadiinta ka soo jeeda Puntland iney arintaasi kala qeyb qaadan waayeen oo taa bedelkeedna ay ka qeyb qaateen hurinta colaada halkaasi ka jirta ka dib dib markii ay la safteen maamulka Puntland Sida uu hadalka u dhigay.

“Salaadiinta Somaliland oo aan anagu ugu horeeyo waa la wada og ogyahay oo hadda ka hor anagoo afartan gaareyna ayaan gogol nabadeed oo ku saabsan xal ka gaarista Sool iyo Sanaag dhignay taasoo xitaa an isaga hor nimid maamulka Somaliland hase ahaatee waxaa arintaasi is hor taagay maamulka Puntland, salaadiintii majeerteeniyana waxay noqdeen kuwo barbar taagan maamulkoodo, anaguna waxaan xaq u leenahay in shacbiyaga is barbar taagno” ayuu yiri boqor Buurmadow oo sheegay in sida kaliya ee lagu nabadeeyn karo deegaanada Sool iyo Sanaag ay tahay in maaamulka Puntland uu faraha kala baxo arimaha goboladaas, si ay aayahooda uga tashadaan.

“C/llaahi Yuusuf iyo maamulkiisu waxay doonayaan iney ardaa yar kju qabsadaan umadda Soomaliyeed, iyagoo adeegsanaya xoogag shisheeye ah, taasina waxay keeneysaa in la iska celiyo waayo itaal aaney laheyn bey doonayaan iney ku amar taagleeyaan” ayuu yiri boqor Muur madow oo dhinaca kale si weyn u difaacay uguna adkeystay in dhulka Sool iyo Sanaag uu yahay mid maamulkiisa ay xaq u leeedahay Somaliland oo Puntland waxa ay ku doodeysanaya ay yihiin waxaa aan nidaam iyo sharci midna waafaqsaneyn oo ku salerysan qabyaalad mar hore laga guuray.

“Ma jiro isin Majeerteeniya ah oo dhexdhexaad ah, kuligood waxay la safan yihiin Puntlnad, Dhiiga ka dhacaya Xamar bey C/llaahi Yuusuf kula tukanayaan, waxayna ku jiraan safka hore oo ay ka dagaalamayaan, dhinaca Kismaayo wey ku sii wadaan, Somaliland wey ku soo duulayaan, waxayna doonayaana iyagoo beel ah oo aan itaal laheyn ay Soomaaliya xukumaan” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo dhinaca kalena tilmaamay in xariga magaalada Muqdisho loguo geystay guddoomiyihii maxkamada sare Yuusuf Cali Haaruun uu ahaa mid sharci daro ah “Yuusuf Cali Haaruun uma xirna xukuumada Soomaaliya ee wuxuu u xiran yahay C/llaahi Yuusuf iyo inanka uu adeerka u yahay ee Darwiish, beel ahaana arintaasi waan ka soo horjeednaa” ayuu intaa ku daray Boqor Buur madow.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s