Jen. Galaal “Mooryaantii Isbaarada dhigan jiray ee dhaca iyo kufsiga yaqiinay ayaa ciidamo laga dhigay, markaasaa la yiri orda oo magaalada nabadeeya”

Halkaan ka akhri

Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah saraakiishii sare ee ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed oo haatan ku sugan wadamada Carabta ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay ku socdaan howlgalada ay ciidamada dowlada federaalkan Soomaaliya ay ka wadaan caasimada oo uu tilmaamay inaaney ku socon qaabkii sharciga ahaa ee ciidanimo, wuxuuna ku eedeeyey mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliyeed iney meesha ka saareen kaalinkii ciidamadii qalabka sida ee dalka kuwaasoo uu sheegay iney aqoon dheer iyo waa aragnimaba u leeyihiin xalinta xaaladaha amaandaro ee ka hadda ka jira magaalada caasimada ah ee Xamar.

Jen. Galaal waxaa sheegay in xaalada adag ee ka taagan magaalada caasimada ah ee Muqdisho wax laga qaban karo marka mas’uuliyiinta dowladda howsha gacanta u geliyaan dadka aqoonta u leh ciidamada iyagoo iska kaashanaya saraakiishii hore oo maanta noqday iney dowladda dhinac iska dhigto, wuxuuna tilmaamay in dowladnimo lagu gaari marka raggii dowladaha soo maamuli jiray arimaha taagan lagala tashado, iyadoo laga faa’’iideysanayo khibradooda shaqo oo wax badan oo jira lagu xalin lahaa.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Jen. Galaal waxaa intaa ku daray in dowladda federaalku ay iska qoratay ciidamada iyadoo aan la eegin tayadooda, anshaxooda iyo waxqabadka ay yeelan karaan, wuxuuna tilmaamay in qofkasta oo bulshada ka mid ah uusan iska noqon karin oo loona baahan yahay in dad u qalma loo soo xulo kuwaasoo ka dhisan dhinaca maskaxda jirka iyo caqliga, kana fayow qabiilka.

“Mooryaantii Isbaarada dhigan jiray ee dhaca iyo kufsiga oo kaliya yaqiinay ayaa ciidamo laga dhigay, markaasaa la yiri orda oo magaalada nabadeeya, hadde waxa ay ku kaceen anigu lama yaabani oo waxay yaqiineen ayay shacbiga kula dhaqmeen, waxaanse la yaabanahay kuwa noocaasoo kale howshaas yiri qabta, iyadoo dhinaca kalena kooxaha muqaawaada oo iyaguna dhinacooda ka laayaan dadka shacabka ah oo bambooyin ka dhex tuuraan ileyn ma lahan awood ay kaga hortagaan mooryaantaas shacabka loo garbaduubay” ayuu si kulul u yiri Jen. Galaal oo intaa raaciyey hab dhaqanka ciidanimo ee askarta dowladda uusan waxba ka duwaneyn kii ay lahaayeen maleeshiyooyinkii isbaarada dhigan jiray marka laga reebo tuutaha ay lebisan yihiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s