Wabiga Shabelle oo fatahaad xoog leh ku sameeyay magaalooyinka ku teedsan Jowhar, iyadoo ay duulooyin badan go´doon galeen.

daadad.jpg

Halkaan ka akhri

Dhulka buuraleyda ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inuu ka da’ay Roob mahigaan oo waxyeelo gaarsiiyey dad iyo duunyaba sidaas awgeed, wararka ka imaanayo magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in daadadka roobku ay ku soo rogmadeen Wabiga Shabeelle waxyeelana u geysteen magaalada Jowhar, haatanna ay go’doon ku jirto; kadib markii biyo ka soo fatahay Wabiga ay gooyeen Wadada Laamiga ah ee isku xirta Muqdisho ilaa Gobollada Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in fatahaad weyn uu Webiga Shabeelle ku sameeyay Deegaano ka tirsan Degmada Jowhar taasoo keentay in ay Dadka Reer Jowhar ay go’doon galaan, wuxuuna Guddoomiye ku xigeenka ugu baaqay Ganacsatada iyo Hay’adaha Samafalka in ay Fatahaaddaas wax ka qabtaan.

Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in Wadada Laamiga ah ee dhex marta magaalada Jowhar ay gooyeen biyaha, halka Waddooyinkii kale ee dhulka caadiga ahaana ay jareen Biyaha Roobka Deyrta uu keenay ay noqdeen dhoobo, oo aan la mari karin, sidaas darteed, dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ay go’doon ku jiraan, una baahan yihiin in lala soo gaaro gurmad deg deg ah.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu intaa raaciyey in ay Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ku wargeliyeen dhibaatada Fatahaadda ka dhalatay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, balse waxaa uu sheegay in aysan ilaa iyo haatan wax jawaab ah ka helin dhinaca Dowladda Federaalka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s