Ra’isal Wasaare Geedi oo maanta kulan la yeeshay Odayaasha Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, garabka Maxamed Xassan Xaad.

Odayaasha Hawiye

Halkaan ka akhri

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi ayaa maanta kulan xasaasi ah oo ka dhacay xarunta nabad sugida Soomaaliyeed kula  yeeshay Xubno ka tirsan Odayaasha Beelaha Hawiye, garabka uu hoggaminayo Mudane Maxamed Xassan Xaad oo ka soo horjeedo dowladda.

Kulanka ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqda Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka odayaasha Hawiye ee sida daran uga soo horjeeda siyaasadda Dowladda KMG iyo joogitaanka Ciidamada Ethiopia.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa goob joog ka ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Beelaha Hawiye ee ku jira laba gole ee Dowladda Kmg, waxaana ka mid ahaayeen Wasiirka ku-xigeenka gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle iyo Xildhibaan Yuusuf Mire Max’uud Seeraar ayaa kulanka ay la yeesheen garabka Maxamed Xasan Xaad ee golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa waxaa ugu horeyntii hadalo furitaan ah ka jeediyey Ra’isul wasaaraha KMG Soomaaliya Prof. Geeddi oo sheegay inuu si aad u daneynayey kulanka uu la yeeshay xubnahan ka socda beelaha Hawiye, isagoo ku ka waramay kuna dheeraaday xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho oo uu xusay iney tahay mid faraha ka sii baxeysa, isagoo tilmaamay in odayaaasha dhaqanku ay door muhiim ah ku leeyihiin sugida nabadgelyada dalka loona baahan yahay iney ka soo dhalaalaan.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay, Guddoomiyaha Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Mudane Maxamned Xasan Xaad oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qabatao ciidamadeeda oo uu sheegay iney yihiin kuwo aan tababar laheyn oo shacabka kula kaca falal ay ka mid yihiin dil, dhac, kufsi iyo dhaqamo kale oo uu sheegay iney yihiin kuwo xun xun sida u hadalka u dhigay, isagoo ka codsaday dowladda Soomaaliya inta aysan ku dhaqaaqin howlgalaadooda iney kala tashadaaan odayaasha beelaha iyo waxgaradka qeybaha kal duwan ee bulshada, si looga fogaado dhibaatooyin loo geysto dadka maatida ah.

Kulankan oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa qaatay saacado dhowr ah, balse si rasmi ah looma shaacinin qodobbadii la isku af-gartay iyo kuwa aan la isku af-garaninba, inkasta oo kulankan la sheegayo inuu qeyb ka yahay Kulamada maalmahan uu Ra’iisul wasaarahu la qaadanayay Beelaha Hawiye ee uu ka soo jeedo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s