Faallo: Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Geedi oo ku loolamaya Siyaasadda dalka Soomaaliya, balse Itoobiya maxay damacsan tahay?.

geedi & yusuf

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Saakay uu ka duulay garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Airport ee Muqdisho Wafti uu hoggaaminayo R/wasaaraha dowladda Kmg ah Mudane Cali M. Geedi, waxaana sii sagootiyeen mas’uuliyiin kala duwan.

 Socdaalka Mudane Geedi ee baydhabo ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay aheyd uu Magaaladaasi gaaray Madaxweynaha Dowladda KMG C/laahi Yuusuf Axmed, oo durbadiina ka bilaabay kulamo gooni gooni ah uu ku dardar gelinayo sidii xubnaha Golaha Baarlamanka FKMG Soomaaliya, ay qarka ugu tuuri lahaayeen Ra-iisul Wasaare Geedi.

War wuxuu intaa ku daray in Madaxwezne Cabdulahi Yuusuf  uu shalay magaalada baydhabo shir kula yeeshay qaar ka mida xildhibaanada beelaha D&M, beesha Dir, iyo dabcan Jufadiisa Majeeteen, hadalkaa soo uu doonayey inuu sheego ballan ay horay u lahaayeen waxaana hadalladiisu ka mid ahaayeen Ballantii aan isku ogeyn, waxay ahayd inaan Hawiye meel fariisino, waxaan idiin sheegayaa Hawiye intii badneyd waan kala dirnay, inyar baa inoo hartay, Cali Geedi iyo Jufadiisa haddii aan meel saarno, Hawiye dambe oo wax idinku qabsada arki maysaan, ee guushu waa dhowdahaye israaciya”.

Hadalkaan Qabyaaladeed markuu faafay shalay oo soo gaaray Magaalada Muqdisho kana war helay Ra=iisul Wasaare geedi ayaa durbadii wuxuu billaabay inuu kulmiyo Wasiirada hawiye ee ku jira golahiisa, ka dibna wuxuu raadiyey sidii uu u la heshiin lahaa Golaha Odayaasha beelaha hawiye ee dowladdiisa ka soo horjeeday, si kasta ha ahaatee arrintaas waa fushay, balse wixii ballan ahayd ayaa la sugayaa fulinteeda.  

Magaalada Baydhabo ayaa lagu soo warramayaa inuu ka socdo shalay ilaa iyo maanta Dhaq dhaqaaqa siyaasadeed oo wajiyo badan leh, kaasoo u muuqda mid labada mas’uul ay ku hardamayaan cidii Dalka hogaamin laheyd.

Dadaaladan xooga badan ee uu wado Madaxweynaha ayaa ah mid uu ku doonayo inuu ku wiiqayo Awooda Ra’iisul Wasaaraha ee ah hogaaminta Xukuumada Soomaaliya, waayo Mudane geedi wuxuu doonayaa in maamulka dowladda in loo daayo isaga, balse Oday Cabdullaahi Yuusufna wuxuu doonayaa in isaga looga dambeeyo Siyaasadda iyo maamulka dowladda, taasi waa loolan aan meesha ku jirin, haddii loo noqdo dastuurka lagu soo dhoodhoobay Mbegati. 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s