Halkaan ka Dhegeyso khudbaddii Ra´isal wasaare Geedi uu shirkii shalay la yeeshay Odayaasha Hawiye ka jeediyay.

hawiye-geedi

Halkaan ka akhri

Halkaan ka dhageyso khudbadii Cali Geedi 

Ra’isal wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa maalintii shalay aheyd heshiis dhinacyo badan ka koobon oo ay ku jireen xabad joojin rasmiya iyo kuwa kalaba la saxiixday Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye garabka uu hogaanka u yahay Maxamed Xasan Xaad. 

Geedi iyo Odayaasha Hawiye

Shirkii shalay ayaa Prof. Geedi waxa uu kula saxiixday Odayaasha Dhaqanka Hawiye hashiis xabad joojin ahaa iyadoo heshiiskaasi markii uu dhacay ka gadaalna sida wada jir ahi ugu baaqeen ra’isal wasaaraha iyo gudoomiyaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda dadka ka cararay rabshadaha bilo jirsaday ee ka tagaan Muqdisho. 

Hawiye

Mas’uuliyiinta labadaasi dhinac ka kala socotay ayaa shaaca ka qaaday kulankoodaasi in ay isla meel dhigeen xalinta arimo dhowr ahaa oo ay isku maandhaafsanaayeen bilihii ugu dambeeyay ee la soo dhaafay. 

Heshiiskaasi ay kala galeen Ra’isal wasaare Geedi iyo Odayaasha Dhaqanka beelaha Hawiye ayaa ka dhcay xarunta nabad sugida ee magaalada Muqdisho. 

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya xubno ka socday Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye.  

Gogol nabadeedkaasi ay yeesheen qaar ka mida mus’uuliyiinta ugu sareysa dowlada Soomaaliya gaar ahaan ra’isal wasaare Geedi iyo Odayaal Dhaqameedka Hawiye garabka uu hogaamiyo Xaad ayaa ah kii ugu hooreeyay ee ay isugu yimaadaan dhinacyadaasi uu heshiisku dhexmaray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

 Halkaan ka dhageyso khudbadii Cali Geedi 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s