Toban qof oo ay ka mid yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah oo maanta ku dhaawacmay qaraxyo lala eegtay baabuur ay wateen Ciidamada Boliska Dowladda KMG ah Magaalada Muqdisho.

baabuur laga gubay

Halkaan ka akhri

 Halkaan ka dhageyso warka weerarada oo cod ah BBC Somali

Toban qof oo ay ka mid yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah oo maanta ku dhaawacmay qaraxyo lala eegtay baabuur ay wateen Ciidamada Boliska Dowladda KMG ah Magaalada Muqdisho.

In ka badan 10 ruux oo isagu jira Ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo dad rayid ah ayaa ku dhaawacmay shaqaaqooyin maanta si gooni goooni ah uga dhacay deegaanka Suu Bacaad iyo Black Sea ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaan oo ahaa kuwa loo adeegsaday Bamba gacmeedyo ayaa waxaa lala bartilmaameesanayay Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay howlgalo ka waday qaar ka mid ah deegaanada Magaalada Muqdisho.

Suuqa labaad ee Maagaalada Muqdisho ee Suuq-Bacaad ayaa waxaa ka dhacay labo qarax oo lala beegsaday Ciidamada Booliska, waxaana halkaasi ku dhaawacmey shan ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Ciidamada Booliska dowladda KMG ah halka sadexda kalena ay ahaayeen dad rayid ah.

Sdioo kale Black Sea ayaa waxaa isna maanta ka dhacay iska horimaad xoogan oo dhexmaray Ciidamo katirsan Booliska dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda, halkaasoo ay dhaawacyo ka soo gaareen 6 ruux oo ay ka mid yihiin Ciidamada dowladda KMG ah.

Weerarradan maanta ayaa kusoo beegmaya xilli 48dii saacadood ee lasoo dhaafay laga nastay dilalka iyo qaraxyada Magaalada Muqdisho.

 Halkaan ka dhageyso warka weerarada oo cod ah BBC Somali

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s