Abuu Mansuur:- Dagaallada ka socda magaalada Muqdisho ma dhamaanayaan illaa cadawga xoog looga saaro dalka.

abu mansoor

Halkaan ka akhri

Afhayeenka dhowaan loo doortay Kooxda Al-Shabaab, Sheekh Mukhtaar Roobow – Abuu Mansuur, ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka dhanka ah ciidamada Ethiopia ee ay wadaan uu socon doono, illaa ciidamadaasi ay kaga saarayaan guud ahaan dalka Somalia.

Abuu Mansuur, ayaa sidoo kale ku baaqan Jihaad, lala galo ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, iyo guud ahaan Dalka Somalia, isagoona tilmaamay in waxa kaliya ee imminka loo baahan yahay ay tahay in dagaal lagaga hortago ciidamada cawadga ee dalka ku soo duulay, sida uu hadalka u dhigay.

Hadaladan ayuu sheegay Abuu Mansuur, wareysi uu siinayay Wakaaladda Wararka ee AFP, isagoona intaasi siii raaciyay in u jeedka ugu horeeya ee ay u dagaalamayaan ay tahay dib u xoreynta dalka Somalia.

Sheekh Mukhtaar Roobow – Abuu Mansuur, waxaa uu ka mid yahay madaxda hogaamineysa Kooxda la magac baxday Al-Shabaab, isagoona sidoo kale gudoomiye k/xigeen dhinaca ammaanka u qaabilsan ka ahaa golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s