Halkaan ka akhri
Ciidamada Uganda oo sheegay in ay Dalka Somaliya kabaxayaan hadii aan la keenin Ciidamo kasocda AMISOM ee Midowga Afrika.
Taliyaha sare ee ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saakay waxa uu sheegeen in ay gebi ahaanba dalka Soomaaliya ka baxayaan Ciidaada Uganda haddii aan la keenin ciidamo ka socda Midowga Afrika oo in dhoweetaba la sheeg sheegayay in la keenayo dalka Soomaaliya.
Ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Uganda ayaa dalka Soomaaliya waxa ay ku sugan yihiin muddo 8 bilood ka badan, ma jiraan wax la taaban karo oo ay ka qabteen dhinaca amniga magaalada Muqdisho marka laga reebo ilaalada ay ka hayaan garoonka iyo dekedda magaalada Muqdisho.
Waxaa marar badan dib u dhac uu ku yimid qorshe lagu doonayo in ciidamo kale oo ka socda AMISOM dowladaha Afrika la keeno Soomaaliya, taasoo ay sabab u tahay dhaqaalaha iyo arrimaha loojiistikada.
Hadalkan ka soo yeeray ciidamada Uganda ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay urur goboleedka IGAD oo iyagu u xusul duubay in ciidamo hor leh la keeno dalka Soomaaliya.