Qarax ismiidaamin ah oo caawa maqribkii ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo, kaasoo ay Ciidamo badan oo Ethiopian ah ku dhamaadeen.

Baidoa Bomb

Halkaan ka akhri

 Halkaan ka dhageyso warkii oo faah faahsan ee qarixii ismiidaaminta ahaa

Qarax ismiidaamin xoogan ayaa caawa maqribkii ka dhacay warshad ku taala magaalada Baydhabo oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia, iyadoo Hotel aan ka ag dheereyn halkaasina uu daganaa Ra’isal wasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia Cali Max/ Geedi.

Qaraxaan oo si weyn u gil gilay magaalada Baydhabo xilli la isku diyaarinayay Afurka ayaan la ogeyn waxa uu ahaa inkastoo ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

Warar qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu watay nin naftii hure ahaa ii is soo miidaamiyay kaasoo lala beegsaday fariisin ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin warshadii Hore ee Oomada oo ay dagan yihiin ciidamada Ethiopia.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in qaraxan uu qasaaro xoog leh u geystay ciidamada Ethiopia, inkastoo aan la xaqiijin Karin inta uu la eg yahay qasaaraha soo gaaray.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Hotel Bakiin oo ah halka uu dagan yahay Ra´isal Waraare Geedi ayaa waxa ay sheegeen in Hotelka uu soo gaaray dhismihiisa burbur xoogan.

Wararka la isla dhex marayo magaalada Baydhabo waxa ay tilmaamayaan in qaraxaan uu ahaa mid la doonayay in lagu qaarijiyo Ra’isal wasaaraha Somalia isla markaana lala beegsaday fariisimo ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin halkaasi.

Qaraxaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli galabta magaalada Baydhabo lagu arkay ciidamo Ethiopian ah oo aad u fara badan oo baaritaano ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Baydhabo.

 Halkaan ka dhageyso warkii oo faah faahsan ee qarixii ismiidaaminta ahaa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s