Idaacada Simba oo kamid ah Idaacadaha madaxa banaan ee ka howl gala magaalada Muqdisho oo albaabada la isugu dhuftay.

Simba

Halkaan ka akhri

Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ayaa saakay xoog ku galay Xarunta Idaacadda Simba oo ka mid ah Idaacadaha Madaxa-banaan ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Xilligii ay Ciidamu gudaha u galayeen Xarunta Idaacadda ayaa waxaa socday Warka Subaxnimo, sida uu xaqiijiyey Madaxa Shaqaalaha Idaacadda Simba Axmed C/laahi Cadde.

Axmed Cadde, waxa uu sheegay in ay Ciidamu kaxaysteen Agaasimaha Idaacadda Mr. Catoosh iyo mid ka mid ah wariyaasha Idaacadda oo lagu magacaabo Maxamed Faarax Talyaani.

“Ujeedada xariga Idaacadda waxa ay la xiriirtaa wareysi ay xalay Idaacadda la yeelatay Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo ah Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab” ayuu yiri Axmed Cadde.

Ma jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Dowladda KMG oo ku aadan xariga Idaacadda Simba, waana markii ugu horeysay oo Idaacadda Simba ay albaabada u laabaan Ciidamada Dowladda KMG.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s