Illaa 30 Ciidamada Ethiopia oo xalay ku nafwaayay qarixii ismiidaaminta ahaa ee kadhacay Magaalada Baydhabo.

Baydhabo

Halkaan ka akhri

Inta la xaqiijiyay 30 Askari oo Ethiopian ah ayaa ku Bakhtiyay 36 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo xalay maqribkii lala beegsaday xarunta warshadii hore ee Oomada ee magaaladda Baydhabo oo fadhiisin u aheyd ciidamo Ethiopian ah.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo noociisu ahaa Hilux ayaa nin is soo miidaamiyay waxa uu gudaha ula galay xeradaasi isla markaana uu ku qarxiyay Askar badan Ethiopian ah oo warshada deganaa.

Qaraxan maqribnimadii xalay lala beegsaday ciidamada Ethiopian-ka ah ee deganaa warshada Oomada Xaseey oo ahaa mid aad u xoogan ayaa la sheegay in uu gabi ahaamba burburiyey Xeradaasi, iyadoo Warshaddaasi ay ahayd keyd hub, waxaana sida la sheegayo khasaarihii ugu badnaa geystey hubkii xeradaas ku keydsanaa oo gabi ahaamba iska daba qar qarxay, waxaana kaloo qaraxyadaasi ay soo gaarsiiyeen khasaare kale qaybo ka mid ah darbiga hoteelkii uu Cali Maxamed Geedi ka deganaa magaaladda Baydhabo.

Wararka haatan naga soo garaya qaraxa lala beegsaday warshadaasi ayaa sheegaya in qasaruhu uu ka badan yahay inta saxaafadu ay ogaatay isla markaana ay ciidamadii xeradaasi ku jiray ay qariyeen maydadkii Askarii kale ee qaraxa ku dhimatay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s