Saalax Cali Faarax wasiirka shaqada iyo shaqaalaha oo xalay baydhabo ay ku dhaaweceen Ciidamada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Saalax 

Halkaan ka akhri

Mid kamid ah wasirada kooxda Mbagathi Saalax Cali Faarax ayaa xalay ku dhaawacmay tacshiirad ay maleeshiyada Aadan Madoobe Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda KMG ah ee baydhabo ay ku fureen xalay wasiirka oo ka soo qaxay hotelkii uu deganaa ee Baar-Bakiin, kaasoo uu Ra´isal wasaare Geedi dhinac kadeganaa.

Wasiirka la dhaawacay oo lagu Magacaabo Saalax Cali Faarax ayaa jagadiisu aheyd Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, waxa uuna ku dhaawacmay tacshiirad ay ku fureen maleeshiyada ilaalada u ah guddoomiyaha Baarlamanka ee kooxda Mbagathi.

Saalax Cali Faarax ayaa isagu kasoo jeedo Beel ahaan (Beesha-Gaaljecel) weliba (Sugoow) oo isagu xilka wasiirnimo uu ugu jiro beeshiisa.

Falkaan lagu dhaawacay Wasiirka oo dhacay abaarihii 10:3O habeenimo ayaa wararka laga helayo magaalada Baydhabo ay sheegayaan in uu yimid ka gadaal markii maleeshiyo daacad u ah Sheekh Aadan Madoobe ay tacshiirad ku fureen gaari uu watay Wasiirka oo isagu qax ahaa.

Wasiirka ayaa lashegay in uu dhinac kala deganaa Hotelka Ra´isal wasaare Geedi uu deganaa, kaasaoo isagu kuyiilay Xeradii xalay lagu xasuuqay Ciidamada Ethiopia, falkaasoo uu fuliyay nin naftii hure ahaa.

Magaalada Beydhabo ayaa dhawaanahaan waxaa ka dhacayey falal lagu waxyeeleynayo shasiyaadka ku jira kooxda Mbagathi, iyadoo horey magaalaaas loogu waxyeleeyey xubno ku jira baarlamaanka kooxda Mbagathi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s