Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya oo mugdi iyo muran ku sugan iyo Miles Zanawi oo ku soo food leh magaalada Baydhabo.

Baydhabo

Halkaan ka akhri

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay wakiilka SomaliSwiss ee Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Magaalada Baydhaba ay la ciirciirayso xiisaddo Siyaasadeed ee ka muuqata Golayaasha Dowladda, balse waxaa taasi ka sii daran wararka ka soo yeerayo mas’uuliyiinta sare oo ku dheehan hanjabaadyo iyo dhiilo Colaadeed oo laga dhadhansan karo heerka uu gaaray khilaafka u dhexeeya Cali Geedi iyo  C/llaahi Yuusuf.

Sidoo kale khilaafka ayaa u gudbay Golayaasha Wasiirada iyo kan barlamaanka, kuwaas oo billaabay inay isku tuurtuuraan hadallo aad u qallafsan oo ka baxsan diblomaasiyada Siyaasadeed.

Warku wuxuu intaa raaciyey in magaalada Baydhabo uu soo galay hub, gaadiid iyo Maleeshooyin aad u fara badan oo qaarka mid ah uu watay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, balse dadka indheer-garadka ah ayaa waxay mala awaaleen in magaalada Baydhabo ay noqon doonto goob dagaaleed, haddii arrinta ay wax iska beddelin.

Wararka kale oo laga helayo magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Miles Zenawi uu wado qorshe uu ku soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaase socdaalkiisa ku wehliya Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Seyoum Mesfin, Wasiirka Dalxiiska Maxamuud Dirir iyo xubno kale oo wasiirro ah, waxaana lagu wadaa inay soo gaaraan maalinta Axadda oo berri ah.

Wafdiga uu hoggaaminayo Miles Zenawi, ayaa la sheegay in socdaalkooda uu la xiriira dhexdhexaadinta wakiiladiisa Soomaaliya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Geeddi oo khilaafkooda uu gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo la sheegay in Meles uu kula hadlay labada mas’uul khadka taleefoonka uuna ka dhaadhiciyay inay joojiyaan xifaaltanka siyaasadeed ee u dhexeeya.

Booqashada la filaya ee Miles Zinawi ee Baydhabo ayaa muujinaysa khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Yuuuf iyo Ra’iisul wasaare Geeddi, balse labaduba ay yihiin saaxiibbo si weyn ugu dhow Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Miles Zenawi, hase yeeshee waxaa meesha ka cad, haddii mid ka mid ah labada Mas’uul uu diido wuxuu si tooska ah ula safan doono kan kale, waayo danahiisa iyo tan qaranka itoobiya ayaa sidaas ku jirto, wuxuuna u isticmaalayaa ciidammadiisa jooga gudaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s