Bulshaweynta Soomaaliyeed oo dhegahooda u taagan tahay, waxa ka soo yeeri doona loolanka ka socda magaalada Baydhabo.

amin136

Halkaan ka akhri

Walaac iyo cabsi weyn ayaa ku soo kordhay Siyaasadda dalka Soomaaliya waxaa la hadal hayaa in dalka uu ku soo laabanayo dagaal sokeeye iyo burbur oo si fiican loogu kala tagaayo.

Run ahaantii waxaa maanta galabnimadii ay shir jaraa’id ay ku qabteen magaakada Muqdisho Odayaasha beelaha Hawiye garabka Max’ed Xasan Xaad waxayna uga hadleen, xurgufta u dhaxeysa madaxda Sare ee dowladda oo dadweynaha Soomaaliyeed la walaacsan yihiin waxa ka soo bixi doono is qabqabsiga ka socda magaalada Baydhabo.

Odayaashu waxay baaq u direen madaxda ugu sareysa dowladda,gaar ahaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geedi, inay ummadda Soomaaliyeed ee ka daashay dagaal sokeeye ay dib ugu soo celin dagaalo cusub oo uu dhiig ku daato.

Af-hayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa maanta shaaciyay in haddii ay yihiin odayaasha dhaqanka Hawiye ay ugu baaqayaan madaxda dowladda ee khilaafka xoogani u dhaxeeyo inay xalistaan khilaafkooda, waayo waxaa inoo muuqda ayuu yiri Afhayeenku ifafaale hurin dagaal cusub ee waqti xaadarkan loo baahneyn.

Afhayeenku wuxuu intaas raaciyey ee uu yiri: „ Anagu waxaan ku talo bixineynaa nimanka isku sheegayaa inay yihiin madaxda dalka oo aan wax dan ah u heynin dadka iyo dalkaba inay khilaafkooda xalistaan oo aysan dadka dib ugu celin dagaal qabiil oo mar kale dhiig badan ku daato “.

Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo caawa ka billawday qaraxyo ay dad rayid ah ku dhaawacmeen, sidaas darteed wareegto uu soo saaray Goddoomiyaha Barlamaanka Mudane Sheikh Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay kulankii xildhibaanada ay uga doodi lahaayeen muranka iyo is-qabqabsiga ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha iyo labada Goleba uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed,wuxuu kaloo uu ka codsaday Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Muqdisho inay soo gaaraan Baydhabo si ammaanka magaalada iyo Barlamaanka ay u sugaan.

Waxaa hubanti ah in indhaha dadweynaha Soomaaliyeed ay u jeedaan dhinaca magaalada Baydhabo,rabaanna anay ogaadaan waxa ka soo bixi doono oo imminka aan la ogeen ?????????????.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s