Khilaaf-Siyaasadeedka C/llahi Yusuf & Cali Geedi oo laga digay inuu Somalia u horseedo Dagaal hor leh.

geedi & yusuf

Halkaan ka akhri

Iyadoo uu sii kordhayo Khilaas-Siyaasadeedka Madaxda ugu sareysa DKMG ayaa Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxa ay maanta soo saareen baaq ay kaga digayaan inuu khilaafkaasi sabab u noqdo Shacabka Soomalaiyeed Dagaal hor leh oo lagu riiqmo.

Isagoo warbaahinta la hadlayey ayaa Afhayeenka odayaasha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxa uu ka shanqariyey in looga baahan yahay Madaxda DKMG in dhibaato iyo mushkilado hor leh aysan u horseedin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ay lagama-maarmaan tahay dhibaatada jirta in ay ka feejignaadaan, isagoo tibaaxay in Madaxda DF in markii horeba wax wanaagsan dadka u heyn xilligana aan loo baahneyn in ay dhibaato kale horseedaan.

Dhinaca kale, Khilaaf-siyaasadeedka Col. C/laahi Yuusuf Axmed iyo Prof. Geedi ayaa maraya heerkii ugu qaraaraa, iyadoo wararka laga helayo Magaalada Baydhabana ay tilmaamayaan in iskooxeysiga labada dhinac uu kordhay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s