Mid ka mid ah, labadii Buundo ee isku xiraysey Gobolka Gedo iyo Gobollada kale ee Soomaaliya oo burburtay.

bundada-baardheere.jpg

Halkaan ka akhri

Waraka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee ka tirsan gobolka Gedo ayaa sheegaya in Buundadii saarneyd ee la isugu gudbi jiray webiga Jubba ee dhexmara degmadaasi ayaa burburtay shalay ka dib markii ay waxyeelo xoog leh ka soo gaartay gaari xamuul ah oo dusheeda ku hallaabay toddobaadkii hore.

Warku wuxuu intaa raaciyey in Gaarigaas uu ka badbaaday, balse buundii ay jabtay maalmo ka dib, waxaana la soo sheegay ineysan jirin cid ku wax waxyeelooday.

Buundadan oo dhistay berisamaadkii Kacaankii Oktoobar, ayaa waxaa si kaalma ahaan ah u dhistay dowladda Holland, hase ahaatee Buundadan ayaa dherer ahayd ilaa 100 mitir, waxaa burbur xoog leh soo gaaray ilaa 10 mitir ka mid ah, mana jiraan wax ka talaabi karo, haddii aan dib loo hagaajinin.

Burburka ku yimid Buundadan ayaa waxaa si weyn uga walaacsan waxgaradka iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Baardheere oo sheegay in burburka buundadaasi ay meesha ka saareyso adeegyo muhiim ah oo hallkaasi u soo mari jiray, waayo Buundada magaalada Baardheere waxay isku xiraysay guud ahaan Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana ka soo gudbi jiray badeecado aad u fara badan,balse haatan wareeg aad u dheer ay ku qaaddan doonto.

Sida waxgaradka degmadu ay sheegeen in Buundadan ayaa aheyd mid duqowday oo markii ugu dambeysay ee la dayactirayna ay aheyd ciidamada UNOSOM ee dalka yimid sanadki 1992-kii, iyagoo ka codsanaya DF Soomaaliya iyo hay’addaha QM ay gacan ka geystaan dib u dhiska Buundadaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s