Wiil Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Cumar Axmed oo ka mid noqday xiddigaha da’da yar ee qaranka dalka Sweden.

Omar

Halkaan ka akhri

Qoraalkan wuxuu ku soo baxay websidke:

Halkaan kaga aqriso luqadda Swedishka

Omer Ahmed
Omar Ahmed – ciyaar yahanka bisha september. Sawirqaade.  BOSSE NILSSON

Jilyaale_Online

Cumar Axmed waa wiil da yar oo somaliyeed, degan magaalada Näsby ee ku taal koofurta dalka Sweden. Cumar wuxuu ku dhashay dalka Somaliya yimidna Sweden isagoo jiro afar sano. Wuxuu yahay wiil aad ugu firfircoon kubada cagta, una ciyaaro KFF ee ka dhisan magaalada Kristinastad, isagoo ugu ciyaaro dhexda iyo weerarba.

Ciyaaryahankan dada yar ayaa waxaa wax ka qoray jaraa id kasoo baxo magaalada Kristinastad oo magaciisa layiraa kristinastadblad.se, kaas oo u aqoonsaday inuu yahay ciyaaryanka bisha september ee sanadkan 2007.

Labo usbuuc ka hor ayuu wuxuu sameeyay ciyaartiisii ugu horaysay uu muujiyay wacdaro. Intaanan la gaarin xilligii kulaylaha ayaa Omar Ahmed oo 15 ah ka soo mid noqday dhalintii qaranka 15jir yaasha markii ugu horaysay, kuwaasoo laga qaatay 40 ciyaartooy. Laakiin markii la gaaray ciyaartii koowaad ee ay la lahaayeen dalka Norway kama uusan mid noqon xidigihii garoonka galabtaa, sugtayna jaaniskiisa goor ay noqotaba. Kadib markii ay ku guuldaraysteen labadii ciyaar ee ugu horaysay ee ee la yeesheen dalka Norway ayaa kabtankii kooxda Hans Lindbom bedelay qiyaas ahaan ciyaartooydii barkood si ay ula kulmaan tartankii ciyaaraha ay la lahaayeen finland dhamaadkii bishii lasoo dhaafay. Markaasoow weeraryahan cumar boos helay. ”Waa arin farxad oo xasuus gaara ii leh in la iigu yeero ciyaar qaran.” Sweden waxay ku guulaysatay 1-0 markaasoow cumar lagu bilaabay bankaha. Laakiin markii ciyaartii ka kala bar ay socotay ayaa lagu amray in uu soo galo. Maadaama ay cumar kooxdiisu 1-0 ku hogaaminayeen, ayay finland ciyaarta dardar xoogan ku waday. Cumar markiiba wuxuu bilaabay xoojinta difaaca kooxdiisa. Kadibse wuxuu bilaabay in uu ka mid noqdo seddaxda weraryahan ee afka hore ka ciyaara. Aad ayuuna ugu qanacsanaa dadaalkiisa ciyaareed maalintaa. ”si wanaagsan ayay iigu dhacday ciyaarta maanta” ayay jawaabtiisu ahay mar la waraystey.

Magac: Omar Ahmed
Dà da: 15.

dhirir: 1.76 mitir.
culays:
62 kilo.
Degan:
 Näsby.
Xirfad: dhigto galaaska 9aad Fröknegårdsskolan.
Kooxo:
     Näsby iyo Kristianstad FF.
Booska u ka ciyaaro:
Weerar iyo dhexdaba

Maalintii labaad ee ciyaarta la isugu soo laabtay ayuu cumar ka mid noqday 11kii lagu bilaabay ciyaarta, isagoo la bedelay 50 daqiiqo kadib. Ciyaartu waxay ahayd mid furfuran kuna dhamaatay 3-3. Cumar wuxuu ku qanacsanyahay sida ay kooxda qaranku u ciyaato, taas oo shabahdo tan kooxdiisa KFF. Waxaan ku ciyaarnaa systemka 4-3-3 kaas oo ah ciyaar weerarku bedan yahay. Sedexdeena weerar yahan waxaanu nahay kuwo si sahlan u bedesho boosaska dhowr jeer inta ciyaartu socoto. Waxaanu baranaa sida ay wax walba u dhacayaa xilli kasta, leenahayna horjoogeyaal kala duwan oo qibrado fiican.  Tababarahaygu wuxuu ii sheegay in aan muujiyay ciyaar wanaag si guuniyana ula socon doono xaaladayda ciyaareed, laakiin ma jirto wax hubaal ah booska ciyaaraha qaranka, waayo adigoo maanta kujiro ayaa beri lagaa waayn karaa, ayaa hadaladiisa ka mid ahaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s