Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland ayaa kasocda Magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool.

Somaliland 

Halkaan ka akhrI

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland ayaa saakay waxa uu ka qarxay aagga gobolka Sool ee magaalada Laas-caanood.

Dagaalkaan ayaa bilowday saakay waabarigii waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo lagu soo waramayo in ay jiraan qasaara xoog leh oo ka dhashay dagaalkaasi.

Weli lama haayo warar faahfaahsan oo ku aadan qasaaraha kala gaaray labada ciidan oo wali isku haya magaalada Laas-Caanood, inkastoo ay jiraan warar aan wali la xaqiijin oo tilmaamaya in ay jiraan deegaano la kala qabsaday.

Ciidamada maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku horfadhiyay magaalada Laas-caanood, waxaana jirey waan waan laga dhex waday labada dhinac.

Maamul Goboleedyada Somaliland iyo Puntland ayaa dagaalkooda uu salka ku hayaa muran la xiriira xuduudaha gobolka Sool oo midba midka kale uu sheeganayo in uu isaga leeyahay.

Dagaaladan ayaa sida xaqiiqada ah uu ka dambeeyaay Gumeystaha wadanka Ethiopia Meles Zenawi oo isagu aan rabin in ay meelna xasiloonaato si idhaha Soomaalida iyaga isugu jeedaan ee aysan u arkin ciidamada gumeystaha ee wadankooda heysta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s