Cadde Muuse:- Dagaalkii Laas-caanood ee nalooga adkaaday waxaa ka qeyb qaatay Argagixisada Caalamiga ah, waxaan heynaa Cadeymo sheegaya in ay ka qeyb qaateen Xoogag shisheeye.

cade muse 

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Cadde Muuse:- Dagaalkii Laas-caanood ee nalooga adkaaday waxaa ka qeyb qaatay Argagixisada Caalamiga ah, waxaan heynaa Cadeymo sheegaya in ay ka qeyb qaateen Xoogag shisheeye.Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland General Cadde Muuse Xirsi oo maanta markii ugu horeysay saxaafadda kaga hadlay jabkii maamulkiisa kasoo gaaray dagaalkii ay ka galeen Laas-Caanood ayaa sheegay in sidaasi aysan uga hari doonin maamul goboleedka Somaliland.Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in aysan marnaba u dul qaadan doonin gobolka Sool in laga taago Calanka Maamulka Somaliland isla markaana ay naf iyo maalba u hurayaan sidii ay isaga kor qaadi lahaayeen Ciidamada uu sheegay in ay soo xad gudbeen.

Mar uu faah faahin ka bixinayay wixii ka danbeeyay jabkii Ciidamada Puntland ayaa waxaa uu sheegay in ay hayan Dukumeentiyo muujinaya dagaalkaasi in ay ka qeyb qaateen Xoogag shisheeye oo Somaliland ay adeegsatay.

Madaxweyne Cadde Muuse oo shalay kulan kula qaatay magaalada Garowe masuuliyiintiisa dhinaca gaashaan dhigga ugu sareysa ayaa waxaa uu ku canaantay qaabka ay dagaalka u maamuleen isagoona adkeeyay in la isku diyaar gareeyo dagaalo kale.

Madax kusheegyada Soomaalida ayaa waayadan dambaba isticmaala Erayada qalaad ee ay wax uga raadsanaan Dowladaha neceb Islaamka.

Cade Muuse ayaa u muuqda maadaama Ciidanka Puntland looga adkaaday Dagaalka Laas-Caano laguna sii socda meel kudhow Magaalada Garowe ayaa aduunyada u qeyla dhaansaday isagoo isticmaalaya erayada Argagixiso iyo wax lamid ah.

Balse Siyaasadaha aan meel ku oolka aheyd ee ay waayadan dambe wax magaratada sida Soomaalida aan waxba ka aqoon macnaha Argagixisada ayaa waxey aduunyada ku noqotay wax ay lafajacaan oo si kale ay u isticmaalaan madax kusheegyada Soomaalida, iyagoo dhahay eraya ay kamid ahaayeed, dadka qaxay ee dagaalada Muqdisho kaqaxay waa argagixiso, iyo meeshii dagaal koox looga adkaadaba waxey yiraahdaan waxaa soo caawiyay Argagixiso.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s