Dood xoog badan oo xamaasad leh oo maanta ay isweydaarsadeen Xildhibaannada Barlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, kuna dhamaatay natiijo la’aan.

barlamaanansixin1.jpg

Halkaan ka akhri

Golaha Baarlamanka Fkmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta shir ugu furmay Xildhibaanada xaruntoodu ku taalla magaalada Baydhabo, kulankan ayaa waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha barlamaanka Mudane Sheikh Aadan madoobe, wuxuuna xildhibaanada hortood ka aqriyey warqad ay ku qoron tahay laba qodob isagoo sheegay in xiligaan uusan jirin Mooshin ka dhan ah ee Xukuumada Dowlada Cali Maxamed Geedi, balse uu sheegay in barlamaanku uu horyaalo laba qodob oo kala ah:-

1-In horey loo sii wado la xisaabtankii Dowladda Cali Maxamed Geedi.

2-Qadobka kalana waa sidii loo xalin lahaa Khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihiiisa .

Intaas ka dib Xildhibaannadu waxay ka hadleen fikirkooda ku aadan sida ay u arkayaan khilaafka ka dhex jira Xukuumadda iyo weliba in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay kulan ay mudanayaasha ku yeesheen Xaruntooda KMG ah ee ADC-da ayaa waxay jeediyeen hadallo lid isku ah, iyadoo ay mudanayaasha ku fikirka ah madaxweynaha ay soo jeediyeen in Xukuumadda uu waqtigii ka dhamaaday, isla markaana ay tahay in ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, halka Xildhibaannada ku fikirka Ra’iisal Wasaare Geeddi-na ay soo jeediyeen in aan la gaarin waqtigii ay Xukuumadda kalsooni weydiisan lahayd Baarlamaanka, isla markaana ay tahay in la sii wado ajendayaal horay u horyaalay Baarlamaanka oo lagula xisaabtamayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Xuseen Maxamuud Shiikh Xuseen, Cali Axmed Jaamac Jingeli, Maxamed Aadan Waayeel, Isaaq Shiikh Yarow iyo Cali Baashi Xaaji Maxamuud ayaa soo jeediyeey in Xukuumadda ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka, halka Xildhibaannada kala ah Salaad Cali Jeelle, Macallin Jiis, Cabdi Dhuxulow Dheg-dheer, Sahra C/qaadir iyo Axmed Cumar Jees ay soo jeediyeen in Baarlamaanka uu dib u eego qodobkii ku saabsanaa la xisaabtanka xukuumadda ee horay u socday, isla markaana aanu meesha soo gelin mooshin kale.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in mooshinka ku saabsan in Xukuumadda waqtigii ka dhamaaday, isla markaana ay kalsooni weydiisato Baarlamaanka ay tahay dulmi laga soo maleegay sida uu u yiri dhinaca Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna caddeeyay in Baarlamaanka looga fadhiyo in uu mooshinkaas meel iska dhigo, isla markaana uu sii wado dib u eegista dhaqaale soo galay Dowladda Federaalka oo aan la ogeyn meel uu maray.

Xildhibaan Xuseen Xasan Maxamuud Shiikh Xuseen ayaa sheegay in la soo dhaafay waqtigii Xukuumadda Federaalka loo siiyay in ay ku soo dhisto Guddiga Federaalka, wuxuuna caddeyay in ay Baarlamaanka ay hortaallo fursad dastuuri ah, isla markaana ay tahay in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku kala fikir noqdeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Geeddi oo khilaaf uu soo kala dhexgalay, iyagoo soo jeediyay fikrado ay kala qabaan labada mas’uul, hase ahaatee waxaa goobta uu shirka ka socday ammaankeeda sugayay Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s