Odayaasha Beesha Waceysle oo ka hadlay khilaafka u dhexeeyo Cali geedi iyo C/llaahi Yuusuf, kana digay in xilka qaadis lagu sameeyo Geedi.

Waceysle 

Halkaan ka akhri

Shir balaaran oo ay maanta isugu yimaadeen Odayaal iyo Siyaasiyin ka soojeedo Beesha Waceysle ee Abgaal ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kulankii Maanta ayaa waxaa goob jooge ka ahaa Siyaasiyin iyo wax garad ka soo jeeda beelaha Mudulood waxayna ka hadleen xaaladaha dhabta ah ee ka jiro Soomaaliya gaar ahaan khilaafka xooga leh ee u dhexeeyo Mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee dowlada KMG Soomaaliya.

Beesha Waceysle ayaa si gaar ah uga hadashay go’aankii ay dhawaan gaareen 22-wasiir oo katirsanaa dowlada KMG Soomaaliya oo ay ku codsadeen in Xukuumada Geedi ay kal sooni waydiisato baarlamaanka Soomaaliya.

Waxgaradaka beesha Waceysle ayaa digniin kama dambays ah u jeediyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay uga digeen in xilka qaadis uu ku sameeyo Cali geedi, amaba mooshin uu soo abaabulo.

Warsaxaafadeedka ay beesha Waceysle soo saarta ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Shiikh Muuse Caga wayne oo ka mid ah Waxgaradaka Beesha waceysle.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s