Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Cabdi Miineey iyo afar ka mid ah ilaaladiisa oo maanta lagu khaarijiyay Miino wadada loogu aasay.

Dagaalka Muqdisho 

Halkaan ka akhri

Halkaan ka dhageyso dilka gudoomiyaha degmada Yaaqshiid 

Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid Marxuum Cabdi Miineey iyo 4 ka mid ah ilaaladiisa ayaa saakay ku nafawaayay qarax miino oo lala beegsaday Baabuur ay wateen degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda lagu soo qariyay ayaa saakay lala beegsaday Baabuur uu saarnaa guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, iyadoo halkaasi ay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Gudoomiyaha iyo darawalkiisa oo dhaawac ahaan loogu qaaday Ispitaalka Keysaneey ayaa u geeriyooday dhaawicii soo gaaray sida ay sheegen qaar ka mid ah ehelada Guddoomiyaha geeriyooday ee degmada Yaaqshiid.

Marxuumka ayaa waxaa la tilmaamay in uu ka soo baxay degmada, xilligii lala beegsanayay weerarka miino, iyadoo Baabuurkii ay saarnaayeen oo miinada ay la kacday uu ku burburey meel u dhow Laamiga.

Lama oga kooxaha ka dambeeya weerarkaan Miino ee lagu dilay guddoomiyaha, laakiin waxa uu qeyb ka yahay dilalka dhowaanahaanba ka jirey caasimadda ee lagu hayay xubnaha maamulada degmooyinka gobolka Banaadir.

Marxuum Cabdi Miineey ayaan heyn hal bil xittaa xilka guddoomiye nimo ee degmada Yaaqshiid, waana gudoomiyihii 3aad ee xilkaasi u geeriyooday, iyadoo Xaaji Cali Fiidoow iyo Muxudiin Xasan Xaaji horey loo dilay kuwaasi oo guddoomiyeyaal ka soo noqday degmadaasi.

Halkaan ka dhageyso dilka gudoomiyaha degmada Yaaqshiid 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s