Sheekh Shariif Sheekh Axmed Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia oo iska fogeeyay hadalka Madaxweyne goboleedka Puntland Cade Muuse uu faafiyay.

Sh. Shariif 

Halkaan ka akhri

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Somalia ee dhawaan lagu dhisay dalka Eritrea ayaa siska fogeeyey in Isbahaysigiisu uu wax lug ha ku leeyahay dagaallada ka socda Gobolka Sool, isagoo ugu baaqay in la joojiyo colaada ka aloosan gobolka Sool.

Sheekh Shariif oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dalka Eritrea ee Asmara ayaa sheegay in eedaynta uu u soo jeediyey Madaxweynaha Puntlland Cadde Muuse aysan wax sal ah lahayn ,isbahaysigiisuna ay u jeedadiisu tahay sidii dalka looga xorayn lahaa Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee dalka haysta.

Sheikh Shariif ayaa yiri “Ma dhacayso inaan dad Soomaaliyeed dilno, ama dagaal la galno iyadoo Ethiopia ay ku sugan tahay dalkeenna, waxaana xooggeenna intiisa badan ku bixinaynaa la dagaalanka ciidammada Ethiopia illaa aan ka saarno dalka Soomaaliya oo dhan”

Sheekha ayaa shirkiisa Jaraa’id ku sheegay inuu ugu baaqay labada Maamul wuxuuna sheikhu ugu baaqay in nabad lagu dhameeyo khilaafka jira dadka rayidkana aysan ku dhex dagaalamin oo ay u turaan dadka shacabka ah oo ay dagaalo sokeeyo iyo colaado ay halakeeyeen.

Madaxweyne Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa shalay sheegay in dagaalka lagu soo qaaday Puntland ay ka qayb qaateen dad shisheeye ah iyo ururka Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya oo ah urur ay dhawaan ku bahoobeen Maxkmadihii Islaamiga ,xubno ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Dowladda KMG iyo qurbo jooga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s