Warsaxaafadeed ku saabsan dhacdooyinka Siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday dalka Soomaaliya ee uu soo saaray Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliyeed.

Ururka Cusub

Halkaan ka akhri

Nuqul Warsaxaafadeed ee ay soo saareen Isbaheysida Dib u Xoreynta Soomaaliya oo Nambarkiisu yahay(Lr.5) ayaa naga soo gaaray Xafiiska Isbahaysiga ee ku yaalla Magaalada Asmara wuxuuna u qornaa sidatan:-

I. Abaabulka iyo tafa xaydashada magaalada baydhabo ka socota waa qeyb ka mid ah qorshaha cadawga ee ku aadan in dhamaan magaalooyinka Soomaaliyeed marba mid la bara kiciyo si damaca guracan ee ay Ethiopia ku doonayso inay dalka ku sii nagaato ugu meelmaro.

Waa ayaan darro in hantidii shacabka, magacoodii iyo maamuuskii ay lahaayeen ay dabadhilifyada gumeysitaha u adeegsadaan dano shakhsiyadeed oo guracan, iyadoo maatidii ay soo barakiciyeen hoy iyo cunno la’aan la il daran tahay.

Hadaba Isbahaysigu waxaa uu shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada caalamka ee nabadda jecel mar kale u caddeynayaa in colaada ka aloosan Magaalada laascaanood iyo goobo kale oo dalka ka mid ah ay ka dambeeyaan ciidamada Ethiopia ee dalka qabsaday, ujeedaduna waa in looga jeediyo indhaha caalamka xasuuqa iyo dambiyada dagaal ee ay Ethiopia faraha kula jirto, laguna waxyeeleeyo wada jirka iyo waxwadqabsiga bulshda, dalkana dib loogu celiyo dagaalladii sokeeye ee hore u soo aafeeyey.

Isbahaysigu waxa uu bogaadinayaa waxqabadka iyo guulaha ay ka soo hooyeen muqaawamada wiiqidda awoodda ciidamda dalka ku soo duulay, waxa kale oo uu baogaadinayaa midnimada ay muujiyeen bulshada Soomaaliyeed oo isu istaagtay in ay aayahooda ka tashadaan, waxa uuna xasuusinayaa oraahdii ahayd gacmo wada jir bay wax ku gooyaan.

V. Isbahaysigu wax lug ah kuma laha arrinta Laascaanood, waayo

waxa uu u taagan yahay dib u xoreynta dalka iyo badbaadinta shacabka naf iyo maalba, eedynta ka soo yeereysa dadka qaarkoodna waa mid aan loomeel dayin ayna ka muuqato masuuliyada ka carar.

VI. Gabgabadii Isbahaysigu isagoo ku kalsoon in ay ummadda Soomaaliyeed waayo-aragnimo u leedahay khiyaamooyinka gumaysiga iyo dabadhilifyadiisa ee soo jireenka ah waxa uu waxgaradka Soomaaliyeed, dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ugu yeearayaa inay oraahdooda iyo adinkooda u mideeyaan sidii dalka loo xoreyn lahaa, loogana hortagi lahaa dhiig sokeeye oo micnala´aan u daata, waxa uuna ku boorinayaa inay ka gaashaantaan hagardaamada cadawga uu ku doonaya dadka iyo dalkaba inuu ku qeybiyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s