C/llaahi Yuusuf:- Midowga Afrika iyo Ethiopia, waxay doonayaan dhexdhexaadin, balse suurta gal maaha, “mana wada shaqeyn karno Aniga iyo Geedi”.

Halkaan ka akhri

Ilo wareed oo la isla dhemaraya, isla markaasna ay ku jahawareereen Shacabka Soomaaliyeed, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda KMG ah Mudane C/llaahi uu doonayo in uu gebi ahaanba ka taqaluso xukuumadda Cali Max’ed Geedi Madaxda u yahay, waxay wararku sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu sheegay in uusan marnaba raali ka noqon doonin in isaga iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi isla sii shaqeeyaan.

“Ma wada shaqeyn karno Aniga iyo Cali Max’ed Geedi ” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo Ra’isul Wasaaraha ku eedeeyey wax is-dabamarin baahsan oo hawlaha qaranka la xiriirta.

Wararka ku dhow Xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha Dowladda KMG C/llaahi Yuusuf ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Yuusuf iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay u kicitimaan Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya iyadoo halkaasi Midowga Afrika iyo Dowladda Itoobiya ugu yeereen, haddana wararka soo baxaya waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf ku dhegan yahay in Ra’isul Wasaaraha Dowladda KMG Cali Max’ed Geedi laga xayuubiyo jagada uu haatan hayo, haddii kale aysan arrinta xal loo heli doonin.

Khilaafka ba’an ee u dhexeeya madaxweynaha Dowladda KMG C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaaraha Cali Max’ed Geedi ayaa cirka isku sii shareeray, iyadoo gebi ahaanba xubnaha Dowladda isugu tageen Magaalada baydhabo, isla markaana uu Baarlamaanku uu xoogaa billaw ah ka dooday ka dibna shalay dib loo dhigay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s