Ra´isal Wasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu Ethiopia u aaday in uu xilka iska wareejiyo.

Halkaan ka akhri

 http://www.alertnet.org/thenews/newsdesk/L17370712.htm

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya safarka Ra’isal wasaare Geedi uu ku aaday dalka Ethiopia sida ay qoreen wakaaladaha wararka caalamka qaar.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa waxa ay ka soo xigatay mudane ka tirsan baarlamanka KMG ah ee Somalia in Ra’isal wasaare Cali Geedi uu u aaday dalka Ethiopia in uu xilka wareejiyo isla markaana uu ka tago xafiiska Ra’isal wasaare ee uu u hayay Dowladda KMG Somalia.

Afhayeen u hadlay Ra’isal wasaare Cali Geedi oo la yiraahdo C/llaahi Codka ayaa waxa uu sheegay in arinkaasi uu yahay mid been abuur ah isla markaana Ra’isal wasaaraha uu u tagay dalka Ethiopia si uu kulamo la qaato hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin dalalka Deeqaha bixiya, dowladda Ethiopia iyo midowga Afrika oo uu kala hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka Somalia.

Safiirka Somalia ee dalka Kenya Max’ed Cali Ameeriko ayaa isna waxa uu sheegay in Ra´isal Wasaare Geedi uu ku sii sagootiyay gelinkii dambe ee shalay garoonka magaalada Baydhabo isla markaana aanu wax ka jirin wararka sheegaya in Prof. Geedi uu dalka Ethiopia u aaday si uu xilka u wareejiyo.

Waxa uu sheegay in Ra’isal wasaaraha uu halkaasi u tagay kulamo uu la qaato ururka midowga Africa, dowladda Ethiopia iyo hay’ado kale oo uu kala hadli doono xaaladda dalka Somalia si gaar ah khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowladda KMG ah ee Somalia, Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isna sheegay in Ra’isulwasaaraha ay u yeereen beesha caalamka ka dib markii la ogaaday sida uu yiri in aqlabiyad balaaran uu ku leeyahay Baarlamanka iyo sidoo kale in uu taageero xoogan ku leeyahay gudaha dalka Somalia.

Maareeye ayaa waxa uu sheegay in beesha caalamka markii ay aragtay dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee RW Geedi iyo dadaalada uu ku doonayo in dib u heshiisiin uu sii wado ay go’aan ku gaartay in ay kala tashato aayaha dalka Somalia, waxaana uu sheegay in waxyaabaha RW Geedi uu u tagay halkaasi ay ka mid tahay sidii uu beesha caalamka uga dhaadhicin lahaa wada xaajoodka kooxaha uu ku tilmaamay kuwa rabshadaha ka wada caasimadda.

Dhinaca kale 22 kii wasiir ee dhowaan xukuumadda KMG ah u jeediyay in ay kalsooni ka raadsato Baarlamanka KMG ah ee Somalia ayaa maanta kulan gaar ah ku leh Baydhabo oo ay kaga doodi doonaan arimo u gaar ah, inkastoo si rasmi ah aan loo ogeyb ajando gaar ah oo ay kala hadli doonaan.

Wasiirka dib u heshiisiinta dowladda KMG ah, Maareeye ayaa ku tilmaamay kulankaan maanta ay isugu imaanayaan wasiirada mid aan waxba ka jirin isla markaana uu yahay mid wax lagu burburinayo.

http://www.alertnet.org/thenews/newsdesk/L17370712.htm 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s