Saraakiisha Ciidamada Ethiopia oo is hor taagay shir ay yeelan lahaayeen wasiirada Mucaaradka ku ah Ra’isal wasaare Cali Max´ed Geedi.

Halkaan ka akhri

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu baaqday shir ay yeelan lahaayeen xubnaha wasiirada ah ee mucaaradsan Ra’iisulwasaaraha Prof. Cali Maxamed Geedi, kadib markii lagu wargeliyay inaan la qaban karin shirkaas.

Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa iyagu sheegay inaan la qaban karin shir ka dhan ah Ra’isal wasaare Geedi, iyadoo uu haatan Prof. Geedi ku maqan yahay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo dhowaan looga yeeray.

Xubnaha wasiirada ah ee diidan Ra’isal wasaaraha Cali Geedi ayaa shirkooda lagu waday inuu maanta ka dhaco guriga wasiirka Kaluumaysiga Dowladda KMG Soomaaliya xasan Abshir Faarax, hase ahaatee ma dhicin inuu qabsoomo kulankaas.

Dhinaca kale hadii la eego Dhanka sharciga ayaa uu sheegay Wasiirka Isboortiga Dowladda KMG ah Mowliid Macaani Maxamuud inay sharci daro tahay inuu shir gudoomiyo shirka golaha wasiirada Ra’isal wasaare ku xigeenka labaad Prof. Saalim Caliyow Ibrow, iyadoo uu joogo Ra’iisulwasaare ku xigeenka 1-aad C/laahi Sheekh Ismaaciil oo hada ah ku simaha Ra’isal wasaaraha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s